Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa waxaa soo gaaray cabsi dhaawac ka hor kulanka ay isbuucaan kooxdiisa la ciyaareyso Arsenal.
Fernandes ayaa Red Devils si weyn ugu dhax muuqday kulankii ay 4-0 ku garaacday Everton xalay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal ayaa labo gool caawiye ka ahaa iyadoo Marcus Rashford iyo Joshua Zirkzee ay labaduba dhaliyeen min labo gool si ay u xaqiijiyaan guushii ugu horeysay ee Ruben Amorim Premier League.
Natiijadu waxay sare u qaaday hamiga Man United oo soo gashay kaalinta 9-aad ee kala saraynta horyaalka England.
Si kastaba ha ahaatee, Fernandes ayaa ka baxay garoonka dhamaadkii ciyaarta, isagoo dhutinaya oo lugta looga xiray baraf ka dib markii lagu bedelay Alejandro Garnacho.
30-sano jirkaan ayaa u muuqday mid niyad jabsan intii uu fadhiyay kursiga keydka, taasoo keentay in cabsi laga muujiyo helitaankiisa safarka muhiimka ah ee Arbacada kooxdiisa ku tageyso Waqooyiga London.
Haddii Fernandes uu dhaawac ku maqnaado, waxay kaliya noqon doontaa kulankii labaad ee uu ku seegay dhaawac dartii tan iyo markii uu United kaga soo biiray Sporting CP bishii Janaayo 2020.