Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay wargeysyada iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo isniin ah.
Manchester United iyo Chelsea ayaa labaduba isha ku haya daafaca dhexe ee kooxda Barcelona Ronald Araujo, daafaacaan wadahadaladii qandaraaskiisa cusub ee Barcelona ayaa hoos u dhacay, inkastoo heshiiskiisu dhacayo 2026. (Caughtoffside)
Weeraryahanka Porto Samu Omorodion, oo ay Chelsea dooneysay xagaagii, ayaa hadda ku jira raadaarka Manchester City, Liverpool iyo Paris Saint-Germain. (Fichajes – Spain)
Joshua Zirkzee ayaa loo ogolaan karaa inuu amaah ugu biiro Juventus hadii Man Utd ay ku guuleysato saxiixa Benjamin Sesko oo kaga imaanaya RB Leipzig xagaaga soo aadan. (Tutto Juve – Italy)
Lionel Messi ayaa kula talinaya garabka Barcelona Ansu Fati inuu kula soo biiro Inter Miami. (Fichajes )
Haddii Xabi Alonso loo doorto bedelka Manchester City ee tababare Pep Guardiola, wuxuu Cityzens geyn doonaa garabka Barcelona Raphinha. (El Nacional – Spain)
Man City, Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood xiiseynaya garabka Real Valladolid Raul Moro, oo 21 jir ah (Fichajes – Spain).
Aston Villa ayaa dalab 15 milyan euro ah ka gudbisay weeraryahanka Barcelona Ferran Torres, kaasoo kaliya loo ogolaan doono inuu ku baxo 25 milyan euro (El Nacional – Spain)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Red Bull Salzburg Oscar Gloukh waxaa isha ku wada haya kooxaha Arsenal, Aston Villa, Man City, Newcastle, Atletico Madrid, Bayer Leverkusen iyo Borussia Dortmund. (Caughtoffside)
Real Madrid ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Club ee Nico Williams, in kasta oo Barcelona loo badinayo inuu ku biiri karo (Cadena COPE – Spain)
Mohamed Salah ayaa doonaya inuu heshiis cusub u saxiixo Liverpool si uu u sii joogo Anfield ilaa sanadka 2027. (Insider Football).
Kabtankii hore ee Man Utd Harry Maguire ayaa sugaya Erik ten Hag in laga ceyriyo kooxda ka hor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa (Football Insider )
AC Milan ayaa shaaca ka qaaday xiisaha ay u qabto inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United Sandro Tonali, kaaoso ku laaban kara kooxda Serie A ka dhisan january. (Milan Live – Italy)
Weeraryahanka Lille Jonathan David ayaa bartilmaameed u ah Barcelona, Inter, Juventus, Tottenham iyo West Ham United. (Mirro)
Aston Villa ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee ku biirta tartanka loogu jiro weeraryahanka Brentford Bryan Mbeumo. (TBR Football )
Chelsea ayaa Tottenham kula dagaalameysa saxiixa daafaca bidix ee Lecce Patrick Dorgu, kaasoo la rumeysan yahay inuu yahay taageere weyn oo Blues ah. (Mirror)