Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay wargeysyada iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo Arbaco ah.
Tababaraha Inter Simone Inzaghi ayaa ogolaaday inuu Erik ten Hag ka bedelo shaqada Manchester United marka la gaaro xilli ciyaareedka 2025/26. (InterLive – Italy)
Weeraryahanka Man Utd Joshua Zirkzee ayaa heshiis uu ugu laabanayo Serie A-da kula jira Juventus, ciyaaryahanka ayaa amaah ku bixi kara suuqa Janaayo. (JuveLive – Italy)
Manchester City iyo Newcastle United ayaa labaduba isha ku haya saxiixa xiddiga Barcelona Raphinha, kaasoo lagu qiimeeyo €100m, Hadii Xavi uu qabto xilka tababaranimo ee Man Utd waxa uu sidookale xiddiga reer Brazil geyn karaa Old Trafford. (Fichajes – Spain)
Tottenham Hotspur ayaa dalban doonta 80 milyan ginni hadii daafaca midig ee Pedro Porro baxayo, wuxuu xiiso ka heystaa labada kooxood ee Man City iyo Real Madrid. (Football Insider)
Sidoo kale 18-jirka khadka dhexe ee Archie Gray ayaa ka tagi kara Tottenham., iyadoo Sevilla ay raadineyso heshiis amaah ah inay ku hesho. (Mucho Deporte – Spain)
Borussia Dortmund ayaa dooneysa daafac bidix oo cusub bisha Janaayo, waxaana ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan labada ciyaaryahan ee Ben Chilwell iyo Milos Kerkez. (TEAMtalk)
Indho-indheeyeyaal ka socda Man Utd ayaa daawaday garabka Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia iyo daafaca dhexe Alessandro Buongiorno. (Tuttomercatoweb)
Arsenal ayaa iska diidi doonta fursad ay kula saxiixan karto Raheem Sterling si joogto ah xagaaga soo socda marka ay dhamaato amaahdiisa uu kaga yimid Chelsea, iyadoo Mikel Arteta uu dooqyo kale raadinayo. (Charles Watts)
Raadaarka Arsenal waxaa kujira maanta weeraryahanka Eintracht Frankfurt Omar Marmoush, iyadoo Gunners ay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixiisa. (Fichajes – Spain)
Liverpool ayaa u calaamadsatay bedelka Trent Alexander-Arnold xiddiga Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong, ciyaaryahanka Monaco Vanderson iyo Michael Kayode ee Fiorentina u ciyaara (Caughtoffside)
Daafaca dhexe ee RB Leipzig Castello Lukeba ayaa waxaa isha ku haya Man Utd, Liverpool iyo Real Madrid. (RMC Sport – France)