Kylian Mbappé ayaa ugu dambeyntii si cad u hadlay intii lagu jiray wareysiga lala yeeshay, isagoo ka hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah oo dhacay bilihii lasoo dhaafay.
La qabsigiisa Real Madrid, dhacdadii Stockholm ee kufsiga iyo xaaladda xulka France ayaa ka mid ahaa mowduucyada uu taabtay Mbappe wareysigiisa.
Xalada gudaha, Kylian Mbappé oo ku bilowday xilli ciyaareed ka fog wixii la filayay ayaa dagaal sharci ah la galay PSG waxaana uu ka maqnaa xulka Didier Deschamps labadii xulasho ee ugu danbeeyay.
Arimahaan oo dhan Mbappe wareysigii uu la yeeshay Canal+ ayuu kaga jawaabay weeraryahanka Mbappe.
Isagoo ka bilaabay sheekadiisa Real Madrid ayuu yiri, “Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan bilaabay bog cusub oo noloshayda ah, waayo-aragnimadayda koowaad inaan ka ciyaaro banaanka ayay ii aheyd, waxaan imaaday waddan cajiib ah, oo leh dad soo dhaweyn badan, waa meel cajiib ah Madrid”
Dhacdadii Stockholm ayaa wax laga weydiiyay, wuxuu ku jawaabay “Waa ay iga yaabisay dhacdadaas, had iyo jeer waa wax caadi ah arimahaan oo kale, waa waxyaabo dhaca oo aan la fileyn, waxba kama dhihi karo, xataa warqad raali gelin ah ma helin, waan akhriyay wargeysyada iyo sheekooyonka beenta ahaa ee la iga qoray.
Arimaha xulka Faransiiska ayaa wax laga weydiiyay Mbappe, wuxuu yiri “Anigu Faransiisk ayaa had iyo jeer ii ah waxa ugu sarreeya kubada cagta. Jacaylka aan u qabo xulka qaranka France isma bedelin, tababaraha wuxuu ii yeeray bishii September aniga ayaa ka cudur daartay oo diyaar aheyn waqtigaas, laakiin ciyaarihii November tababaraha isagaa ayaa iga reebay xulka, waxaa fiican sababta in isaga la weydiiyo.