Ciyaartii ugu weyneyd isbuucaan, Liverpool ayaa 18 laad ku tuurtay shabaqada Man City, waa kuwii ugu badnaa ee Sky Bule kuwajahdo kulan xilli ciyaareedkan katirsan, waana markii ugu horeysay oo ay la kulmaan shuudad intaas la eg.
Liverpool ayaa ugu cadcad hanashada horyaalkeedii ugu horreeyay ee Premier League shan xilli ciyaareed ka dib markii ay 2-0 kaga badisay Manchester City garoonka Anfield.
Natiijada waxay kusii dheeraysteen hogaanka horyaalka Premier League oo ay ku hayaan sagaal dhibcood, waxayna 11 dhibcood ka sareeyaan Man City.
Cody Gakpo ayaa qeybtii hore ee ciyaarta goolka u daah furay Liverpool, Laacibka reer Holland ayaa xaday daafacyada isagoo ka faa,iideystay karoos ka yimid Mohamed Salah.
Salah ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta ka dhigay 2-0, isagoo rigoore lagu galay Luis Díaz gool u bedelay.
Dhinaca Man City waa markii ugu horeysay tan iyo 1956 koox difaacaneysa Horyaalka guul la,aan ahaato 7 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan.
Maqnaanshaha Rodri, dabcan, waa arrin aad u weyn, laakiin dhibaatooyinku way ka sii qoto dheer yihiin isaga.
siddeed kulan oo kale ayaa la ciyaarayaa ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga Janaury, Guardiola wuxuu u baahan yahay inuu helo xal taatiko oo deg deg ah haddii uu doonayo inuu badbaadiyo xilli ciyaareedka kooxdiisa.
“Waqti xaadirkaan waxaan nahay kuwa aad ujilicsan,” Guardiola ayaa qirtay ka dib guuldaradii Liverpool.
“Waa inaan aqbalnaa xaqiiqada ah in ay jabtay kooxdeena walli sidii ugu xumeyd taariikhda.
Hadda waxaan qiyaasi doonaa shan isbeddel taatiko ah oo uu Guardiola ku badbaadin karo xili ciyaareedka Man CIty
1) in Akanji khadka dhexe ee No 6 laga ciyaarsiiyo
“ciyaar xumada Man City ayaa ah xakameyn la,aan ka jirta khadka dhaxe gaar ahaan lambar 6,” Guardiola hadda ma heysto ciyaartooy Boxing to Box 40 ama ka badan kubadda ku taaban kara.
City waxay lumisay kubado badan oo”box to box ah waa waxa ugu xun ee hadda heysta, ma jiro lambar 6 sidii Rodri u xakameyn kara khadka dhaxe.
Ilkay Gundogan iyo Mateo Kovacic ayaa labadoodaba isku dayay in ay xaliyaan khadka dhaxe ee City, laakiin midkoodna ma lahan awood uu ku xakameyn karo culeyska Guardiola haatan heysta.
Manuel Akanji, wuxuu leeyahay dareen iyo feejignaan lagu dooran karo, wuxuuna bixin karaa awood badan oo uu ku xakameyn karo khadka dhaxe ee Guardiola.
2) Isbedel deg deg ah oo dhanka difaaca ah
Dhibaatooyinka Man City ee difaacida goolka ma ahan kuwo xisaab leh, waxaa looga dhaliyay wax ku dhaw 20 gool 7-dii kulan ee ugu dmabeysay, taas waxay muujineysaa in Guardiola kooxdiisa aysan laheyn daafacyo la isku halkeyn karo.
Guardiola waa inuu helaa xal deg deg ah oo difaaca ah si loo yareeyo farqiga goolasha badan ee kooxda laga dhalinayo.
3) Dib u qaabaynta baalasha weerarka iyo difaaca
Man CIty ayaa hadda waxaa ka muuqda baahi badan oo dhanka garbaha weerarka ah, iyadoo aysan jirin ciyaartooy badan oo garbaha ah oo kooxda ka caawin kara dhalinta goolasha ama caawinta.
Guardiola waxa uu Erling Haaland saaray culeys badan oo weerarka ah kaligiis, Kyle Walker iyo Josko Gvardiol iyo dhamaan ciyaartooyda kale ee garabaha weerarka malahan fursad abuur badan.
4) Rico Lewis inuu ka ciyaaro daafaca midig ee is dulsaarka ah
Markaan ka hadlo balac garoonka, Man City waxay u baahan tahay dib-u-eegis weyn oo dhanka daafaca midig ah.
Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, Guardiola waxa uu iibiyay daafacyadiisa ugu hal abuurka badan, waxaana uu ku bedelay daafacyo dhexe, laakiin 7 guuldarro oo xiriir ah ka dib waxaa muuqda dhibka in ay sabab u tahay daafacyadii hal abuurka lahaa ee uu iibiyay.
5) inuu nasiino helo Haaland daqiiqadaha qaar
Haddii wax walba ay guuldarraysteen, waxaa jira doorasho degdeg ah oo mudan in la fiiriyo gaar ah qeybta weerarka.
Haaland waa mashiinka gool dhalinta laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaan hadda sidii hore aheyn, waa inuu helaa naasiino ku filan.
Waxa uu celcelis ahaan taabtay 19.8 kulan kasta ciyaarihii ugu dmabeeyay, waana wax aan looga baran xididga waayaha Guardiola uu la shaqeynayo.
Guardiola waa inuu sagaal been ah ku tijaabiyo Phil Foden mararka qaar si nasiino uu u helo Haaland, kooxdana u dareento isbedel inuu dhacay.