Salah waa mid ka mid ah seddex ciyaaryahan oo muhiim u ah Liverpool kuwaas oo qarka u saaran inay beeca xorta ah ku baxaan xagaagan.
Daafacyada Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold, ayaa iyaguna heerka qandaraaskoodu la mid yahay weeraryahanka Masar oo dhamaadka xili ciyaareedkaan isaga tagi kara Liverpool.
Kooxda Arne Slot ayaa fadhida hogaanka horyaalka Premier League, Salah ayaana ku ku guuleysan kara wax walba, ka hor inta uusan ka dhaqaaqin Merseyside-ka ka dib dhamaadka bisha June 2025.
Maxaa qandaraaska cusub ee Salah laga yiri ?
Iyadoo maamulka Liverpool iyo Salah ay wali si firfircoon uga hadlayaan dalabka lagu kordhinayo qandaraaskiisa, Sky Sports Germany ayaa ku warameysa in uusan jirin wax heshiis ah oo la gaaray sidoo kalena uusan hadda u muqan mid dhow heshiis kasta oo uu kooxda kusii joogi karo laacibkaan.
Salah ayaa noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Liverpool markii uu qalinka ku duugay heshiis seddex sano ah xagaagii 2022.
Inkastoo uu 32 jirkaan weli yahay ciyaaryahanka ugu fiican garabka midig ee Premier League, xili ciyaareedkaan wuxuu muujiyay kalsooni ah in kooxda Slot ay ku guuleysan karaan horyaalka.
Caqabad Arne Slot kala kulmayo Qandaraas kordhinta Salah
Slot ayaa si adag kaga fakiraya mustaqbalka ciyaartoydiisa muhiimka ah guud ahaan, xaaladaha qandaraasyada waa mid culeys badan leh” tababaraha Holland ayaa saxaafada usheegay markii wax laga weydiiyay mustaqbalka Salah.
Haddii aysan arimahaan qandaraasyada isbedelin waxaa imaan doonto xaalad cakiran, oo kooxda kala dhantaali karta sida uu qabo Danny Marphy oo hore ugu soo ciyaaray Liverpool.