Jurgen Klopp ayaa 19ka bishan May soo afjari doona muddo sagaal sannadood ah oo uu tababare u ahaa Liveprool, waxaana uu xilli-ciyaareedkiisu kusoo xidhmi doonaa iyadoo kooxdiisu kaliya ku guuleysatay Carabao Cup oo bishii February ay ka qaadeen Chelsea oo ay rikoodheyaal ku garaaceen, taas oo ka dhigan in xilli-ciyaareedkiisa macasalaamayntu aanu u noqonin sidii uu doonayey.
Shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ayaa Liverpool ka saartay tartanka horyaalka Premier League oo hadda Manchester City ama Arsenal ay ku guuleysan doonto.
Waxa kale oo kooxda Jurgen Klopp tartanka FA Cup ka saartay manchester United, halka kooxda Atalanta ay sidoo kale ka cidhib-tirtay tartanka Europa League iyadoo ku karbaashtay garoonka Anfield.
Sidaas oo ay tahay, Jurgen Klopp waxa uu uga tegi doonaa Liverpool siddeed koob oo uu u qaaday muddadii uu joogay oo kasoo bilaabantay sannadkii 2015, kuwaas oo ay ku jiraan Premier League iyo Champions League oo ah labada koob ee ugu qiimaha badan.
Warbixinteennan, waxa aynu ku eegaynaa oo aynu isbarbar-dhig ku samaynaynaa lacagtii uu Jurgen Klopp kharash gareeyey sagaalkii sannadood ee uu joogay Anfield iyo lacagihii ay suuqa ku farrasheen kooxaha waaweyn ee Premier League ee Manchester City, Manchester United, Arsenal, Chelsea iyo Tottenham.
Waxa kale oo aynu xusi doonaa saxeexyadii waaweynaa ee ay sameeyeen kooxahan, iyadoo sidoo kale aynu soo bandhigayno lacagta naqadka ah ee ay koox walba kharash garaysay, iyadoo laga jaray lacagtii ay ka heleen ciyaartoydii ay iyagu iska iibiyeen.
LIVERPOOL
Saxeexyadii waaweynaa ee ay samaysay, qiimahooda iyo kooxihii ay kasoo iibsadeen
Alexis Mac Allister <= Brighton, £35m, 2023
Sadio Mane <= Southampton, £36m, 2016
Mohamed Salah <= Roma, £43m, 2017
Alisson <= Roma, £55m, 2018
Dominik Szoboszlai <= RB Salzburg £60m, 2023
Darwin Nunez <= Benfica, 64m, 2022
Virgil van Dijk <= Southampton, £75m, 2018
Xiddigihii ay Liverpool iibisay intii uu Klopp joogay iyo lacagtii ay ka heleen
Dominic Solanke => Bournemouth, £19m, 2019
Rhian Brewster => Sheffield United, £23.5m, 2020
Mamadou Sakho => Crystal Palace, £24m, 2017
Christian Benteke =>Crystal Palace, £27m, 2016
Sadio Mane => Bayern Munich, £27.5m, 2022
Fabinho => Al-Ittihad, £40m, 2023
Philippe Coutinho => Barcelona, £105m
Lacagta Net-ka ah ee ay kharash gareeyeen tan iyo 2015: £346 milyan oo Gini
Tirada koobabka ay ku guuleysteen: Siddeed
MANCHESTER CITY
Saxeexyadii waaweynaa ee ay samaysay, qiimahooda iyo kooxihii ay kasoo iibsadeen
Bernardo Silva <= Monaco, £43m, 2017
Kyle Walker <= Tottenham, £50m, 2017
Aymeric Laporte <= Athletic Bilbao, £57m, 2017
Rodri <= Atletico Madrid, £62m, 2019
Josko Gvardiol <= RB Leipzig, £77m, 2023
Jack Grealish <= Aston Villa, £100m, 2021
Xiddigihii ay Manchester City iibisay intii uu Klopp joogay iyo lacagtii ay ka heleen
Kelechi Iheanacho =>Leicester, £25m, 2017
Oleksandr Zinchenko => Arsenal, £30m, 2022
Cole Palmer =>Chelsea, £42m, 2023
Gabriel Jesus => Arsenal, £45m, 2022
Raheem Sterling => Chelsea, £47m, 2022
Ferran Torres => Barcelona, £55m, 2022
Lacagta Net-ka ah ee ay kharash gareeyeen tan iyo 2015: £630 milyan oo Gini
Tirada koobabka ay ku guuleysteen: 17
ARSENAL
Saxeexyadii waaweynaa ee ay samaysay, qiimahooda iyo kooxihii ay kasoo iibsadeen
Gabriel Jesus <= Man City, £45m, 2022
Alexandre Lacazette <= Lyon, £46m, 2017
Ben White <= Brighton, £50m, 2021
Pierre-Emerick Aubameyang <= Dortmund, £56m, 2018
Kai Havertz <= Chelsea, £65m, 2023
Nicolas Pepe <= Lille, £72m, 2019
Declan Rice <= West Ham, £105m, 2023
Xiddigihii ay Arsenal iibisay intii uu Klopp joogay iyo lacagtii ay ka heleen
Theo Walcott => Everton, £20m, 2018
Granit Xhaka => Bayer Leverkusen, £22m, 2023
Joe Willock => Newcastle, £25m, 2021
Alex Iwobi => Everton, £34m, 2019
Alex Oxlade-Chamberlain => Liverpool, £35m, 2017
Folarin Balogun => Monaco, £35m, 2023
Lacagta Net-ka ah ee ay kharash gareeyeen tan iyo 2015: £702 milyan oo Gini
Tirada koobabka ay ku guuleysteen: 6
TOTTENHAM
Saxeexyadii waaweynaa ee ay samaysay, qiimahooda iyo kooxihii ay kasoo iibsadeen
Pedro Porro <= Sporting Lisbon, £34m, 2023
James Maddison <= Leicester City, £40m, 2023
Davinson Sanchez <= Ajax, £42m, 2017
Cristian Romero <= Atalanta, £42.5m, 2022
Mickey van de Ven <= Wolfsburg, £43m, 2023
Richarlison <= Everton, £52m, 2022
Tanguy Ndombele <= lyon, £55m, 2019
Xiddigihii ay Tottenham iibisay intii uu Klopp joogay iyo lacagtii ay ka heleen
Christian Eriksen => Inter Milan, £17m, 2020
Kieran Trippier => Atletico Madrid, £20m, 2019
Steven Bergwijn => Ajax, £26m, 2022
Kyle Walker => Manchester City, £50m, 2017
Harry Kane to Bayern Munich, £100m, 2023
Lacagta Net-ka ah ee ay kharash gareeyeen tan iyo 2015: £570 milyan oo Gini
Tirada koobabka ay ku guuleysteen: 0
CHELSEA
Saxeexyadii waaweynaa ee ay samaysay, qiimahooda iyo kooxihii ay kasoo iibsadeen
Alvaro Morata <= Real Madrid, £58m, 2017
Marc Cucurella <= Brighton, £60m, 2022
Mykhailo Mudryk <= Shakhtar Donestsk, £62m, 2022
Kepa Arrizabalaga <= Athletic Bilbao, £72m, 2018
Kai Havertz <= Bayer Leverkusen, £72m, 2020
Wesley Fofana <= Leicester, £75m, 2022
Romelu Lukaku <= Inter Milan, £97m, 2021
Moises Caicedo <= Brighton, £100m, 2023
Enzo Fernandez <= Benfica £105m, 2022
Xiddigihii ay Chelsea iibisay intii uu Klopp joogay iyo lacagtii ay ka heleen
Kurt Zouma => West Ham, £31m, 2021
Thibaut Courtois => Real Madrid, £32m, 2018
Tammy Abraham => Roma, £36m, 2021
Nemanja Matic => Man United, £40m, 2017
Diego Costa => Atletico Madrid, £50m, 2018
Mason Mount => Man United, £55m, 2023
Oscar => Shanghai Shenhua, £60m, 2016
Kai Havertz => Arsenal, £65m, 2023
Eden Hazard => Real Madrid, £150m
Lacagta Net-ka ah ee ay kharash gareeyeen tan iyo 2015: £1 bilyan oo Gini
Tirada koobabka ay ku guuleysteen: 6
MANCHESTER UNITED
Saxeexyadii waaweynaa ee ay samaysay, qiimahooda iyo kooxihii ay kasoo iibsadeen
Casemiro <= Real Madrid, £70m, 2022
Rasmus Hojlund <= Atalanta, £72m, 2023
Jadon Sancho <= Dortmund, £73m, 2021
Romelu Lukaku <= Everton, £75m, 2017
Harry Maguire <= Leicester, £80m, 2019
Antony <= Ajax, £85m, 2022
Paul Pogba <= Juventus, £89m, 2016
Xiddigihii ay Manchester United iibisay intii uu Klopp joogay iyo lacagtii ay ka heleen
Daley Blind => Ajax, £14m, 2018
Dean Henderson => Crystal Palace, £15m, 2023
Anthony Elanga => Nottingham Forest, £15m, 2023
Chris Smalling => Roma, £18m, 2020
Morgan Schneiderlin => Everton, £24m, 2017
Romelu Lukaku => Inter Milan, £74m, 2019
Lacagta Net-ka ah ee ay kharash gareeyeen tan iyo 2015: £1 bilyan oo Gini
Tirada koobabka ay ku guuleysteen: 4