Garabka Crystal Palace Michael Olise, oo 22 jir ah, ayaa u furan inuu xagaaga u wareego Manchester United. (90 Min)
Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in dalab u dhexeeya 60-70 milyan ginni uu ku filnaan doono saxiixa daafaca Ingariiska Jarrad Branthwaite iyadoo la filayo inay Everton kala soo wareegaan ka hor 30ka bisha Juun. (Insider Football)
Arsenal iyo Manchester City ayaa lagu wargeliyay in Newcastle United ay dhageysan doonto dalab ka badan 80 milyan ginni oo ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Bruno Guimaraes, oo 26 jir ah, xagaagan. (90 Min)
Lacagta 100ka milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Guimaraes waxay shaqeyn doontaa kaliya hal bil, laga bilaabo dhamaadka May ilaa dhamaadka Juun. (Fabrizio Romano)
Manchester United ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo saxiixa 22 jirka daafaca bidix ee reer Spain Miguel Gutierrez oo ka tirsan Girona laakiin waxay tartan kala kulmayaan Arsenal iyo West Ham. (GiveMeSport)
Arsenal ayaa isha ku haysa bartilmaameedyo badan oo khadka dhexe ah iyada oo ay jirto walaac laga qabo inuu dhaqan geli karo heshiiska ay ku doonayaan xiddiga khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi. (Standard)
Zubimendi ayaa sheegay in wararka isaga la xiriirinaya qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub “ay yihiin kaliya xan” uuna ku faraxsan yahay Real Sociedad. (Marca)
Manchester United ayaa bartilmaameedsan doonta daafac dhexe, khad dhexe iyo weeraryahan cusub suuqa xaggaaga, iyadoo weeraryahanka France Anthony Martial, oo 28 jir ah, uu ka mid yahay ciyaartoyda aan hadda ka mid ahayn qorshaha kooxda. (Football Insider)
Ajax ayaa xiisaynaysa in ay u magacawdo tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Brighton Graham Potter macalinkooda cusub kaas oo sidoo kale ku jira liiska tababarayaasha ay dooneyso Man United inay ku bedelo Erik ten Hag. (Guardian)
Manchester United, Paris St-Germain iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood xiiseynaya goolhayaha reer Ukraine ee Real Madrid Andriy Lunin, oo 25 jir ah. (Fichajes)
Tababarihii hore ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer iyo tababarihii hore ee Leeds United Jesse Marsch ayay Canada kala xiriirtay sidii ay xulka qaranka ugu hogaamin lahaayeen koobka aduunka 2026. (Standard)