28-jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City ee Kalvin Phillips, oo hadda amaah ku jooga West Ham, ayaa mid ah bartilmaameedyada xagaaga ee Fulham. (Football Transfers)
Phillips ayaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Leeds United haddii ay diyaar u yihiin inay bixiyaan 30 ilaa 40 milyan ginni. (Insider Football)
Manchester City ayaa dooneysa inay Rodri ku abaalmariso mushaar kordhin taasoo u ogolaaneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain, oo 27 jir ah, inuu kooxda sii joogo inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed. (Daily Mirror)
Arsenal iyo Chelsea ayaa xiiseynaya Viktor Gyokeres laakiin Sporting Lisbon ma aqbali doonto wax ka yar 100 milyan euros (£85.8m) inay ku iibiyaan weeraryahanka reer Sweden oo 25 sanno jir ah (Pedro Sepulveda).
Atletico Madrid ayaa xiiso u qabta xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fulham iyo xulka Brazil Andreas Pereira oo 28 jir ah (Sky Sports).
Maamulka Manchester United ayaa sugi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay go’aan uga gaadhaan mustaqbalka tababare Erik ten Hag, inkasta oo uu cadaadis saaran yahay booska tababaraha reer Holland. (The Times)
Manchester United ayaa xiiseyneysa inay u magacowdo macalinka Bologna Thiago Motta tababarahooda cusub si uu u noqdo bedelka Ten Hag. (Gazzetta dello Sport)
Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Everton Frank Lampard ayaa si lama filaan ah ugu soo baxay inuu qabto shaqada tababare ee xulka Canada. (Telegraph)
Goolhayaha reer England Aaron Ramsdale ayaa qarka u saaran inuu ka tago Arsenal xagaagan, iyadoo 25 sanno jirkaan uu bartilmaameed u yahay Newcastle United. (Insider Football)
Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta Trent Alexander-Arnold oo ku saabsan inay hishiis cusub oo ay ka saxiixaan daafaca midig ee England ee 25 sanno jirka ah. (Insider).
Dinamo Zagreb ayaa lacag ku bixisay xayaysiis bog buuxa ah oo lagu daabacay wargeyska Isboortiga ee Spain ka soo baxa ee Marca, iyadoo isku dayday inay ku qanciso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia Luka Modric, oo 38 jir ah, inuu ku laabto kooxdiisii ugu horeysay haddii uu go’aansado inuu ka tago Real Madrid xagaagan. (ESPN)
Paris St-Germain ayaa joojisay wadahadaladii heshiis kordhinta ee Kylian Mbappe walaalkii ka yar Ethan Mbappe, oo 17 jir ah, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee ku jira xulka France U16 uu qandaraaskiisa haatan ku eg yahay June. (RMC Sport)
Sevilla ayaa isku dayi doonta inay iska iibiso gooldhaliyaheeda ugu sareeya Youssef En-Nesyri, iyadoo 26 jirkaan weerarka ka ciyaara ee Morocco uu yahay “bartilmaameed” kooxo badan oo Premier League ah. (Marca)
Arsenal ayaa ku biirtay kooxaha sida Manchester United iyo Bayern Munich iyagoo doonaya xiddiga Barcelona B Mikayl Faye iyadoo la filayo in lagu tartamo 19 jirka reer Senagal xagaaga. (Daily Mail)