Manchester United ma filayso kooxna inay bixiso 70ka milyan ginni ee ay duldhigeen weeraryahankooda Marcus Rashford oo 26 sanno jir ah xagaagan. (ESPN)
Paris St-Germain ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay Rashford, waxaana ay baacsan doontaa bartilmaameedyada kale ee suuqa kala iibsiga ka hor inta uusan furmin suuqan xagaaga. (I Sport)
Dhanka kale, tababaraha United Erik ten Hag, oo 54 jir ah ayaan hubin inuu sii ahaan doono tababaraha Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda. (HITC)
Arsenal ayaa u soo bandhigtay xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Italy ee Jorginho qandaraas cusub iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaagan, waxaana la filayaa in 32 jirkaan uu saxiixi doono. (Athletic)
West Ham ayaa tartan kala kulmi doonta AC Milan oo ku aadan tababaraha Lille Paulo Fonseca, iyadoo 51 jirkaan loo arko bedelka macquulka ah ee tababaraha Hammers David Moyes. (I Sport)
Tababaraha reer Scotland Moyes, oo 61 jir ah, ayaa soo jiitay xiisaha kooxda Spartak Moscow iyadoo aan la hubin mustaqbalkiisa West Ham. (Daily Mail)
Weeraryahanka Chelsea iyo England Raheem Sterling ayaan wax xiriir ah la sameynin kooxaha horyaalka Saudi Pro League laakiin Chelsea waxay dooneysaa inay Sacuudiga ka iibiso weeraryahanka amaahda uga maqan ee Romelu Lukaku. (Caughtoffside)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Bruno Fernandes, oo 29 jir ah, ayaa ka dhawaajiyay inuu ka fiirsan doono mustaqbalkiisa Manchester United ka dib ciyaaraha Euro 2024, laakiin hadda wuxuu diirada saarayaa finalka FA Cup iyo tartanka Euro 2024 ee xagaagan. (Danz Portugal)
Kooxo dhowr ah oo ka dhisan Saudi Arabia ayaa xiiseynaya 21-jirka Barcelona weerarka uga ciyaara ee Ansu Fati, kaasoo haatan amaah kula jooga Brighton iyo daaficii hore ee France Clement Lenglet, 28, kaasoo amaah ku jooga Aston Villa. (Sport)
Manchester United ayaa wali qorsheyneysa inay iska iibiso weeraryahanka Ingariiska Mason Greenwood, 22, xagaagan, iyadoo go’aanka ugu dambeeya la gaari doono dhamaadka xilli ciyaareedka. (Fabrizio Romano)
Chelsea ayaa beenisay inay bixisay qarashka duulimaadkii Ruben Amorim ee London usbuucii hore, ama inay wax kulamo ah la yeesheen 39-jirka Sporting Lisbon. (Telegraph)