Newcastel United ayaa dalab £16 milyan oo Gini ah ka gudbisay goolhayaha Burnley ee James Trafford, laakiin Clarets ayaa doonaysa in la siiyo £20 milyan oo Gini. (Mail)
Manchester United ayaa rajaynaysa inay dhamaystirayso heshiiska difaaca Everton ee Jarrad Branthwaite oo 21 jir ah, ka hor inta aan la gaadhin June 30, iyadoo laacibkan laga saaray liiska xulka qaranka England. (Liverpool Echo)
Red Devils ayaa sidoo kale dalabkii labaad ka gudbinaysa khadka dhexe ee Benfica iyo xulka Portugal ee Joao Neves oo 19 jir ah, kaddib markii laga diiday dalab hore oo ahaa £51 milyan oo Gini. (A Bola)
Atletico Madrid ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Julian Alvarez, hase yeeshee madaxweynaha kooxdaas Enrique Cerezo ayaa rumaysan in aanay suurtogal ahayn inay la saxeexdaan laacibkan. (Standard)
Manchester City ayaa heshiis cusub u bandhigtay khadkeeda dhexe ee Phil Foden oo 24 jir ah, waxaana uu noqon doonaa ciyaartoygii abid ugu mushaharka badnaa ee u dhashay Britain. (Sun)
Leicester City waxa ay la xidhiidhay tababarihii hore ee Brighton iyo Chelsea ee Graham Potter si uu ugu noqdo macallinkooda xilli-ciyaareedka soo socda. (Telegraph)
Juventus waxa ay u bandhigtay Aston Villa qorshe ay ku kala beddelanayaan Westn McKennie iyo Douglas Luiz. (Calciomercato)
Weeraryahanka Bournemouth ee Dominik Solanke oo 26 jir ah, waxa lagu heli karayaa £65 milyan oo Gini xagaagan, waxaana kooxaha xiisaynaya ka mid ah Arsenal. (Expess)
Bayern Munich waxa ay diyaarisay dalab cusub oo ay ka gudbinayso khadka dhexe ee Portugal ee Joao Palhinha oo 28 jir ah. (TalkSport)
Fenerbahce ayaa qorshaynaysa inaykusoo biirto tartanka weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood oo 22 jir ah, kaas oo uu soo dhamaaday heshiis amaah ahaa oo uu ugu maqnaa Getafe. (Sun)