Iyadoo xilli ciyaareedku marayo heer gabagabo ah, kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa durba bilaabay qorshayaashooda suuqa kala iibsiga, iyagoo isha ku haya xiddigo ay ku xoojin karaan safkooda xilli ciyaareedka soo socda.
Mohamed Salah ayaa la rumeysan yahay inuu ka tagi doono Liverpool marka uu dhammaado qandaraaskiisa, iyadoo Reds ay bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Real Sociedad Takefusa Kubo si uu u noqdo bedelkiisa, sida laga soo xigtay warbaahinta Fichajes. Wararka kale ayaa sheegaya in Kubo uu noqon karo bartilmaameedka ugu weyn ee Liverpool haddii Salah uu baxo.
Dhinaca kale, khadka dhexe ee Real Sociedad Martín Zubimendi ayaa si weyn u xiiseynaya ku biirista Real Madrid, balse warar kale ayaa sheegaya in Arsenal ay si xoogan uga shaqeynayso sidii ay u heli lahayd saxiixiisa, sida laga soo xigtay Defensa Central.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso weeraryahanka Emanuel Emegha oo ka tirsan Strasbourg. Xiddiga 22-jirka ah ee reer Holland ayaa dhaliyay 12 gool xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in Blues ay si dhow u eegto xaaladdiisa, sida uu qoray Mohamed Toubache-Ter. Waxa kale oo la filayaa in Chelsea ay isku dayi karto inay dib ula soo wareegto daaficii hore ee Stamford Bridge Marc Guehi, kaasoo haatan ka tirsan Crystal Palace.
Kooxda Manchester United ayaa la rumeysan yahay inay qiratay qaladkii ay sameeyeen markii ay iska fasaxeen goolhayahoodii hore David de Gea. Red Devils ayaa la sheegayaa inay qorsheyneyso inay dib ula soo saxiixato xiddiga reer Spain si uu badal ugu noqdo André Onana, sida laga soo xigtay Fichajes.
Wararka kale ee suuqa ayaa tilmaamaya in Roma ay qorsheyneyso heshiis amaah ah oo ay kula soo wareegto xiddiga Liverpool Federico Chiesa xilli ciyaareedka soo socda, sida laga helay warbixinnada La Repubblica.
Dhinaca Manchester City, xiddiga khadka dhexe Bernardo Silva ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo ka tagista kooxda xagaagan, isagoo sidoo kale rajo ka qaba inuu gabi ahaanba ka baxo horyaalka Premier League, sida laga soo xigtay Football Insider.
Arsenal ayaa iyaduna xiiseyneysa saxiixa xiddiga Manchester United Antony, kaddib bandhiggiisii wanaagsanaa ee amaahda ee Real Betis. Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Spain ayaa iyaduna dadaal ugu jirta inay sii haysato xiddiga reer Brazil xilli ciyaareedka soo socda, sida ay sheegtay Fichajes.
Haddii Liverpool ay si xor ah ku weyso kabtankooda Virgil van Dijk, macallinka cusub ee kooxda Arne Slot ayaa la sheegayaa inuu ka shaqeynayo sidii uu kooxda ugu keeni lahaa daafaca Barcelona Ronald Araújo, sida ay sheegtay warbaahinta El Nacional.