Khadka dhexe ee Germany ee Jamal Musiala ayaa iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa Bayern Munich, waxaana uu doonayaa inuu tago horyaalka Premier League, iyadoo lala xidhiidhinayo kooxaha Manchester City iyo Liverpool. (Star)
Tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa la filayaa in shaqada laga cadhiyo haddii ay guul-darraystaan ciyaarta Lazio ee Salaasada, sidaasna kaga hadhaan tartanka Champions League iyadoo lugtii hore ee wareegga 16ka ay Lazio soo garaacday. (Sky Sports Germany)
Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa si dhow ula socda difaaca kooxda Girona ee Miguel Gutierez oo ah 22 jir ay Real Madrid leedahay kala-badh xuquuqdiisa. Ten Hag ayaa doonaya inuu laacibkan ku xoojiyo safkiisa. (Sun)
Liverpool waxay xiisaynaysaa tababaraha Sporting Lisbon ee Ruben Amorim, laakiin waa haddii ay waayaan tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso oo ah dookha koowaad ee ay doonayaan inay ku beddelaan Jurgen Klopp. (Mirror)
Barcelona waxay rajaynaysaa inay tababaraheeda cusub u magacaabi dionto Roberto de Zerbi, waxaase looga baahan yahay in Brighton ay ku qanciyaan inay kaga iibiyaan 15 milyan oo Euro (Sport)
Weeraryahanka Paris Saint-Germain iyo xulka France ee Kylian Mbappe ayaa la kulmay tababare Luis Enrique si ay iskula meel-dhigaan xiisadda u dhaxaysa ee keentay in la beddelo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey iyadoo kooxduna dhibco lumisay. (ESPN)
Fulham Everton, West Ham iy Wolves ayaa si dhow ula socda xaaladda weeraryahanka reer Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo ah 31 jir u ciyaara Galatasaray. (Ekrem Konur)
Arsenal iyo Manchester United waxay ku tartamayaan 19 jirka Talyaaniga ee Michael Kayode oo u dheela kooxda Fiorentina. (Fichajes)
Barcelona waxay ahmiyadda siin doontaa iibinta garabka weerarka Brazil ee Raphinha oo 27 jir ah, iyo difaaca reer France ee Jules Kounde oo 25 jir ah. (Sport)