Arsenal ayaa waxa ay si dhow ula socotaa xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Morgan Gibbs-White oo u dheela Nottingham Forest, kaas oo la filayo in ay kooxdiisu iibiso sababo la xidhiidha ganaaxyada ku dhacay ee dhibcaha lagaga jaray. (Star)
Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay inay kooxdiisu iska diidday dalab dhan 200 milyan oo Euro oo koox aanu magacaabin ay kasoo gudbisay da’yarka Barca ee Lamine Yamal. (Marca)
Newcastle United waxay doonaysaa inay la saxeexato difaaca dhexe ee reer Portugal ee Goncalo Inacio oo 22 jir iyo difaaca dhexe ee reer Ivory Coast ee Ousmane Diomande oo 20 jir ah. Labadooduba waxa ay u ciyaaraan Sporting Lisbon. (Fichajes)
Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ma shaacin doonto inuu ka tegayo PSG oo uu u wareegayo Real Madrid illaa inta ay jirto fursad ay labada kooxood ugu kulmi karayaan tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan. (Sport)
Juventus waxa ay doonaysaa weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood oo waqtigan amaah ugu maqan Getafe. 22 jirkan ayay Man United go’aan ka gaadhi doontaa mustaqbalkiisa dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Gazzetta dello Sport)
Eintracht Frankfurt lama filayo inay dhaqan-gelin doonto qodobka fursadda u siinaya inay £8.5 milyan oo Gini kaga iibsadaan Manchester United khadka dhexe ee reer Netherlands ee Donny van de Beek, kaas oo xagaagii ay amaah kaga soo qaateen Red Devils. (Bild)
Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa rumaysan inuu wali haysto waqti uu ku qancin karayo Sir Jim Ratcliffe si uu usii ahaado tababaraha Red Devils, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxdu ay raadinayso tababare cusub. (ESPN)
Difaaca Juventus ee Gleison Bremen ayaa noqday bartilmaameedka koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, iyadoo 27 jirkan reer Brazil qandaraaskiisa lagu burburin karayo £43 milyan oo Gini. (Corriere dello Sport)
Napoli ma dhaqan-gelin doonto dookha ay u haysato inay £7.7 milyan oo Gini ku iibsato khadka dhexe ee reer Belgium ee Leander Dendoncker oo ay amaah kaga soo qaateen Aston Villa. (Fabrizio Romano)
Barcelona waxa ay qandaraas cusub oo waqti dheer ah u bandhigtay difaaceeda da’yar yar ee Pau Cubarsi oo ah 17 jir xilli-ciyaareedkan kasoo dallacay heerka da’yarta, kaas oo ay xiise u muujinayaan kooxo Premier League ah. (Marca)