Paris Saint-Germain ayaa dalab 95 milyan euro ah ka gudbisay daafaca dhexe ee kooxda Arsenal William Saliba. (Fichajes – Spain)
Lacagta iibinta Saliba ayaa loo isticmaali karaa in lagu qarash gareeyo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee West Ham United Mohammed Kudus, kaasoo ay Arsenal ay soo qaadan karto marka uu baxo Leandro Trossard oo laga yaabo inuu aad sacuudiga (The Mirror)
Liverpool ayaa daba socota ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Marc Casado, waxayna aaminsan yihiin in 21 jirkaan inuu saameyn degdeg ah ku yeelan karo kooxda Arne Slot. Manchester United iyo Newcastle United ayaa sidoo kale isha ku haya. (Caughtoffside)
Barcelona ayaa laga yaabaa inay lumiso xirfad kale oo da’yar iyadoo Manchester City ay €70m kula soo wareegi karto daafaca dhexe ee Pau Cubarsi. (Fichajes – Spain)
Saraakiisha Chelsea ayaa isku diyaarinaya inay dhageystaan dalabyada bisha Janaayo ay ku iibinayaan daafaca dhexe ee Benoit Badiashile. (Foot Mercato – France)
Xoojinta weerarka ayaa fure u ah qorshaha Man City 2025. dalabka €150m ayay ka gudbin karaan xiddiga garabka Real Madrid ee Rodrygo, halka Eintracht Frankfurt ciyaaryahankeeda Omar Marmoush uu imaan karo (Fichajes – Spain)
Ruben Amorim ayaa doonaya in Man Utd 90 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia si uu u noqdo saxiixiisa ugu horeeya xagaaga. (Caughtoffside)
Tottenham Hotspur ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah suuqa kala iibsiga ee Janaayo, laakiin uma badna in ay heli karaan xiddiga AC Milan Tijjani Reijnders. (Football Insider )
West Ham ayaa isku diyaarinaysa inay 30 milyan ginni ku dalbato weeraryahanka Botafogo Igor Jesus bisha Janaayo. (The Sun)
Kooxo fara badan oo Premier League ah ayaa amaah ku doonaya weeraryahanka PSG Randal Kolo suuqa Janaury. (Sky Sport Germany)
Tottenham iyo Juventus ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa weeraryahanka Real Madrid Endrick, kaasoo ka tagi kara kooxda reer Spain. (Fichajes – Spain)
Newcastle ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro garabka Brentford Bryan Mbeumo kaas oo lagu qiimeeyo 50 milyan ginni. (Football Insider)