Everton ayaa barbaro 0-0 ah ku qabatay garoonka Goodison Park kooxda Chelsea oo rajo ka laheyd in ay qabato hogaanka Premier League.
Maalin ay cimiladu aad u xumeyd oo xitaa Sean Dyche uu xirnaa jaakad, labada dhinacba waxay ku dhibtoodeen inay helaan fursado badan.
Kooxda Chelsea ayaa 45-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horaysay soo bandhigtay qaab ciyaareed sarre,laakiin kuma guuleysan in ay dhaliyaan gool.
Nicolas Jackson ayaa isku dayay inuu gool dhaafiyo goolhaye Jordan Pickford, laakiin waxaa diiday birta, Alla muxuu ahaa janis weyn!!
Everton ayaa laba jeer oo kaliya kubadda ku taabatay gudaha xerada ganaaxa Chelsea qeybtii hore ee ciyaarta.
Jack Harrison ayaa kubad halis ah ku dhax abuuay xerada lixda yaardi, laakiin waxaa la tacaalay goolhaye Sanchez.
Guud ahaan kulanka oo laga waayay saameyntii Col Palmer, waxa uu kusoo dhamaaday barbaro 0-0 ah, taasoo niyad jab u aheyd rajadii Blues ee tartanka Premier League.