Weeraryahanka AC Milan Alvaro Morata ayaa loola cararay isbitaalka ka dib markii ay isku dhaceen daafaca dhexe Strahinja Pavlovic, sida ay baahisay Metro.
Isla markiiba waxaa loo qaaday isbitaal ku yaala Legnano si loogu daweeyo oo lala tacaalo xaaladiisa dhaawaca.
Xidigii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa lagu sameeyay baaritaanka MRI oo aan soo saarin wax qatar ah, Laakiin waxa uu baaqi kusii ahaaday cusbitaalka si xaaladiisa loola tacaalo.
Waxaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka AC Milan ee Serie A kaasoo oo ay la ciyaaraaan kooxda Cagliari sabtida.
Tammy Abraham ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo weerarka isagoo ka faa,iideysan doona maqnaanshaha Morata.