Manchester United ayaa ku sii dhawaaneysa weerar kale oo ay ku qaado Arsenal ka dib markii ay heshiis la gaartay mid ka mid ah ciyaartoyda cajiibka ah ee Gunners.
United ayaa hore kala wareegtay Arsenal xagaagii Chido Obi-Martin, 17 jirkan ayaa doortay inuu Emirates Stadium ku bedesho Old Trafford.
Arsenal ayaa lacag yar ku heshay Obi-Martin ka dib markii da’yarka Danishka uu diiday qandaraas xirfadle ah inuu u saxiixo, waxaana ay u muuqataa in kooxda Mikel Arteta ay mar kale arki doonto da’yar kale oo u dhaqaaqaya kooxda ay xafiiltamaan.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in United ay ogolaatay inay Ayden Heaven kala soo wareegto Arsenal marka uu 18 jirkaan qandaraaskiisa dhalinyarada uu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Heaven ayaa diiday inuu aqbalo shuruudaha heshiis xirfadeed oo uu u saxiixo Arsenal, waxaana sidoo kale la fahamsan yahay inuu diiday u dhaqaaqista Eintracht Frankfurt si uu ugu biiro United oo uu haatan tijaabada caafimaadka u maray.
The Athletic ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Arsenal ay heli doonto lacag yar maadaama xiddiga uusan saxiixin qandaraas xirfale ah, wuuxuna tarabuunka fadhiyay kulankii Man United ka badisay Rangers Europa League isbuucii hore.