Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa qirtay inuu soo dhaweyn doono haddii kooxda heysata horyaalka Premier League ay go’aansato inay ceyriso isaga ka dib qaab ciyaareedka xun ee kooxda.
City ayaa badisay kaliya hal jeer 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ka dib guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Juventus xalay.
Kooxda Guardiola ayaa haatan ku jirta kaalinta 22-aad ee kala saraynta Champions League, iyaga oo shan dhibcood ka dambeeya 8 boos ee ugu sarreeya.
Sidoo kale waxa ay ku jiraan kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxaana ay 8 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka haysa ee Liverpool oo iyaduna kulan baaqi u yahay.
Guardiola ayaa guulo badan gaaray tan iyo markii uu la wareegay City sanadkii 2016, horayna uma soo marin qaab ciyaareed lamid ah kan hadda uu kujiro.
Tababarihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich waligiis hore looma cayrin xirfadiisa tababarino kooxihii uu soo maamulay, balse hadda ma uusan qarin in ay taasi dhici karto.
Isagoo la hadlayay saaxiibkiisii hore ee Brescia Luca Toni oo ku casuumay Prime Video Sport, Guardiola wuxuu yiri: “Man City haddii ay i ceyriso waxaan aadi doonaa gurigeyga.
“Nolosha markasta waxay leedahay caqabado aadan awoodin in aad wax ka qabato” ayuu yiri Guardiola.