Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray The Times, Mikel Arteta ayaan aad ugu faraxsaneyn sii joogista Oleksandr Zinchenko, ka dib markii daagaca bidix ka sheekeeyay dhowr jeer sirta tababare Arteta.
Arteta ayaa si fiican loogu yaqaanaa dabeecad naxariis dara ah, sidaas darteed Zinchenko wuxuu marayaa ciqaabta tababarihiisa xilli ciyaareedkan
27-sano jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu sarre u kac sameeyo wixii ka dambeeyay xilli ciyaareedkii 2022/23, waxaana si weyn looga shakisan yahay qaab dafacashadiisa.
Jurrien Timber ayaa durba booska daafac bidix ee Arsenal xoreystay taasoo caqabad weyn ku ah xiddiga heerka caalami ee dalka Ukraine.
Oleksandr Zinchenko ayaa si cad u wajahaya cadaadis kaga imaanaya tababaraha Emirates, iyadoo Mikel Arteta uusan ku faraxsanayn isaga kadib markii uu dhowr jeer ka hadlay waxyaabo dir ah oo quseeya dhaqamada Gunners.
La yaab ma noqon doonto in la arko isaga oo ku dhaqaaqaya suuqa kala iibsiga ciyaartooyda oo furmaya bisha January.