Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in uusan isku arkin mid maamuli doona koox kale oo Premier League ka dhisan mustaqbalka dhow.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe iyo kaaliyihii Manchester City ayaa ku biiray Arsenal dhamaadkii 2019, isagoo tan iyo markaas dib u dhis xoogan sameeyay.
Waxa uu bedelay Unai Emery, waxaana uu ka dhigay Gunners koox u tartameysa Premier League labadii xilli ciyaareed ee u danbeyay.
Arsenal ayaa ciyaartay 16 kulan xilli ciyaareedkan, waxana ay lix dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Liverpool oo 36 dhibcood leh.
Isagoo xusayay sannad-guuradiisii shanaad ee kasoo wareegtay maalintii uu la wareegay shaqada Gunners, Arteta ayaa waqti xaadirkaan wax aan macquul aheyn ku tilmaamay inuu tababare u noqdo koox kale oo ka dhisan Premier League.
Waxa aan leeyahay tamar aad u kooban waxa aan geliyey kooxdan Arsenal, ciyaartoyda, iyo shaqaalaha si buuxda ayaan u wada shaqeynay, mana ka fakirayo in aan meel kale ka shaqeeyo mustaqbalka dhaw “ayuu yiri Arteta.