Kabtanka Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa bixiyey qish ku saabsan saddex kooxood oo uu midkood ku biiri doono haddii uu ka tago Liverpool marka uu dhamaado qandaraaskiisa oo ay ka hadhsan yihiin 18 bilood, taas oo ka dhigan in uu xilli-ciyaareedka dambe dhamaadkiisa uu ka bixi doono Anfield amaba uu qandaraas cusub saxeexi doono.
Maalmihii ugu dambeeyey waxa la isla dhax-marayay in Virgil van Dijk uu ka tei doono Liverpool marka uu dhamaado qandaraaskiisu, sababtoo ah tababarihii uu jeclaa ee keenay Anfield ee Jurgen Klopp ayaa Jimcihii shaaciyey inuu bisha June ka tegi doono Liverpool.
Virgil van Dijk oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in aanu hubin in uu sii joogi doono Anfield iyo in kale marka uu dhamaado qandaraaskiisa hadda, waxaana waraysi uu siiyey wargeyska The Times uu ku yidhi: “Taasi waa su’aal weyn, runtuna waxay tahay ma garanayo in aan sii joogayo iyo in kale.
“Kooxda shaqo weyn ayaa sugaysa, waana la ogyahay. Ma aha kaliya inay beddelayaan tababaraha, laakiin dhamaan shaqaalaha tababarka, sidaa daraadeed waxyaabo badan ayaa isbeddeli doona.
“Anigu aad baan uga taxadarayaa jihada loo dhaqaaqi doono, laakiin marka marka ay ku dhawaaqaan ayaynu arki doonaa xaaladdayada.”
Difaaca reer Netherlands oo la weydiiyey halka uu tegi doono haddii ay noqoto inuu ka tago Liverpool, ayaa waxa uu shaaciyey kooxda uu xiisaynayo inuu u ciyaaro, waxaanu yidhi: “Waca aan jeclaan lahaa in aan tago Camp Nou, Barcelona ayaan garoonkeeda jecelahay inaan ka ciyaaro.
“Waxa run ah in naftaydu ay jeceshay inay daawato ciyaaraha Barcelona, illaa yaraantaydii ayaan daawan jiray, waxaanay ii noqon lahayd arrin cajiib ah haddii aan u ciyaaro.”
Van Dijk oo la weydiiyey ciyaartoyga uu ugu jeclaa markii uu yaraa, ayaa waxa uu markiiba lasoo booday halyeygii Barcelona iyo Brazil ee Ronaldinho, waxaanu yidhi: “Waxa aan jeclaa sida uu Ronaldinho kubadda u ciyaaro, gaar ahaan xilli-ciyaareedkiisii labaad ee Barcelona.
“Waxa uu ahaa ninka isbeddelka sameeyey, miyaanad ogeyn? Waxa uu ahaa ciyaartoyga uu qof walba jeclaa in uu daawo, goolashiisa, xeeladihiisa iyo damaashaadkiisa.”