Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa u sheegay Kevin De Bruyne inuu “naftiisa daacad u noqdo” marka uu go’aan ka gaarayo mustaqbalkiisa kooxda difaacneyso horyaalka Premier League.
De Bruyne waxa uu qandaraaskiisa City dhacayaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan, waxayna kooxda siin doontaa fursad uu ku go’aansado mustaqbalkiisa ka dib toban sano oo uu joogay Etihad.
Xiddiga reer Belgium ayaa keydka ka daawaday guuldarradii 5-1 ee Arsenal, sidoo kalena wax daqiiqado yar ah xitaa kama uusan helin kulankii Real Madrid toddobaadkii hore.
Qaab ciyaareedkiisii kulankii ay City guuldarro 2-0 kala kulantay Liverpool Axaddii ayaa dhaleeceyn weyn soo jiitay, iyadoo la isla dhexmarayo in jidhkiisu uusan sii xamili karin culayska Premier League.
Guardiola ayaa yiri: *“Waxaan filayaa in xaaladdan uu isagu go’aan ka gaaro, taasina waa tan ugu muhiimsan. Waa inuu naftiisa si daacad ah u qiimeeyaa, oo uu go’aansado waxa uu dareemayo iyo waxa uu samayn karo xilliga soo socda ee noloshiisa.
“Xagaaga wuxuu noqonayaa 34 jir, waa inuu go’aan gaaraa, sida wixii hore ugu dhacay David Silva tusaale ahaan.”