Xiddigii hore ee Arsenal, Jay Bothroyd, ayaa magacaabay tababaraha haatan ee Bournemouth, Andoni Iraola, inuu noqdo beddelka Mikel Arteta haddii Gunners ay go’aansato inay kala tagaan macallinkooda.
Bothroyd wuxuu aaminsan yahay in Iraola uu haysto dhammaan shahaadooyinka iyo xirfadaha loo baahan yahay si uu u qabto shaqada Arsenal ka dib Arteta.
Arteta wali ma uusan ku guuleysan Premier League tan iyo markii loo magacaabay tababaraha Arsenal bishii December 2019.
Xilli-ciyaareedkii hore iyo kii kasii horreeyay, wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad, isagoo ka dambeeyay Manchester City oo horyaalka difaacanaysay.
Xilli-ciyaareedkan, guuldarradii eey Arsenal kala kulantay West Ham United toddobaadkii hore ayaa si weyn u wiiqday rajadoodii hanashada horyaalka Premier League.
Kooxda Arteta ayaa haatan 11 dhibcood ka dambeysa kooxda hoggaanka heysa ee Liverpool.
Markii uu la hadlayay BBC, Bothroyd wuxuu yiri: “Marka la eego shaqada uu Iraola ka qabtay Bournemouth iyo ciyaartoyda uu la shaqeynayo – anigoo aan wax ixtiraam-darro ah u muujin – Arsenal waxay u baahan tahay tababare sidaas ah.
“Inkastoo aanan ku jirin dadka leh ‘Arteta waa inuu baxaa’, haddana dad badan ayaa sidaas qaba, su’aashuna waxay tahay: Yaa diyaar u ah inuu Arsenal la wareego?
“Dabcan, qofka ugu badan ee la hadal hayo waa Xabi Alonso, laakiin waxa uu u muuqdaa mid u dhow inuu tago Real Madrid haddii Carlo Ancelotti baxo. Haddii Arteta uusan sameyn wixii laga filayay, oo ah in uu koobab keeno, markaas macallin sida Iraola ah wuxuu noqon karaa mid ay Arsenal xiiseyso.”