Heshiiska tababarahaan ayaa la filayaa in la dardar galiyo ka dib kulanka Sporting Lisbon ay wajaheyso kooxda Estrela da Amadora habeenka Jimcaha.
Maamulaha Sporting Lisbon Ruben Amorim, ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka mustaqbalkiisa uu noqon doono mid cad kadib kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Estrela da Amadora jimcaha.
39-sano jirkaan ayaa u soo muuqday raga bedeli kara Erik ten Hag oo laga ceyriyay Old Trafford isniintii lasoo dhaafay.
Sporting ayaa xaqiijisay xiisaha ay United u qabto darteed in ay bixineyso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Amorim oo ah 8.3 milyan ginni.
Waxaa lagu soo waramayaa in ay u ogolaan doonaan sidookale shaqaalaha tababarka in ay u raacaan tababaraha reer Portugal kooxda Man Utd.
Hehsiiska ayaa dhici doona sida la cadeeyay bisha soosocta, iyadoo inta ka horeysa intaas uu shaqada sii wadi doono Van Nestelrooy.