Arsenal ayaa lagu booriyay inay tallaabo lama filaan ah qaado oo ay lasoo saxiixato weeraryahanka Liverpool, Darwin Nunez, si ay u xoojiyaan awoodooda weerar.
Gunners-ka ayaa saddex kulan oo xiriir ah guul la’aan soo foodsaartay, taasoo ka dhigtay inay booska afaraad kaga jiraan horyaalka, iyagoo sagaal dhibcood ka dambeeya kooxda hoggaanka heysa ee Liverpool.
Inkastoo Kai Havertz uu xilli ciyaareedkan si fiican ku bilowday, haddana weeraryahanka Jarmalka wuxuu hal gool oo kaliya dhaliyay todobadii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
Iyadoo sidoo kale la tixgelinayo qaab ciyaareed aan joogto ahayn oo uu Gabriel Jesus soo bandhigay, dad badan ayaa rumeysan in kooxda ay u baahan tahay inay soo xero geliso weeraryahan magac weyn leh bisha Janaayo si ay u soo nooleeyaan rajadooda horyaalka.
Mid ka mid ah dadkaas waa xiddigii hore ee Arsenal, Jeremie Aliadiere, kaasoo si geesinimo leh u soo jeediyay in kooxdiisii hore ay u fiirsato inay lasoo wareegto weeraryahanka awoodda badan ee Liverpool, Darwin Nunez, si uu usoo kordhiyo awood weerar.
Weeraryahanka reer Uruguay, oo sanadkii 2022-kii ugu soo biiray Liverpool kooxda Benfica, ayaa kaliya labo gool ka dhaliyay horyaalka xilli ciyaareedkan, isagoo weli ku dhibtoonaya inuu boos joogto ah ka helo kooxda Arne Slot.
“Waxaan ogahay inuu joogo Liverpool laakiin waxaan ahay taageere weyn oo Darwin Nunez ah,” ayuu Aliadiere u sheegay Football365.
“Waxaan aad u jeclahay habka uu u shaqeeyo, orodkiisa, iyo sida uu ugu dadaalo garoonka, waxaanan jeclaan lahaa inaan ciyaaryahan sidaas ah ku helo Arsenal.
“Xagaagii hore waxaa jiray warar sheegaya inuu ku biirayo Arsenal. Arrintaas aad bay ii xiiso galisay maxaa yeelay waxaan jeclaan lahaa inaan arko isaga oo nala jooga.”