Finalka tartanka Carabao Cup ee ay iskugu soo baxeen Liverpool iyo Chelsea ayaa la shaaciyey waqtiga la ciyaari doono, iyadoo taageereyaasha labada kooxood ay hadda ku mashquulsan yihiin sidii ay ku heli lahaayeen tigidhka daawada kulankan iyo safarka ay ku tegi doonaan garoonka Wembley.
Taageereyaasha Liverpool ayaa safar u geli doona magaalada London, halka jamaahiirta kooxda Chelsea loogu tegayo magaaladooda oo uu ka dhisan yahay garoonka qaranka ee Wembley Stadium.
Jurgen Klopp oo Liverpool ku qaadanaya xilli-ciyaareedkiidii ugu dambeeyey ayaa halgan u geli doona sidii uu koobkani u noqon lahaa mid ka mid ah kuwa lagu xasuusto ee uu maalmihiisa ugu dambeeya u geyn lahaa madxafka Reds, halka Mauricio Pochettino oo xilli-ciyaareedkii hore ay kooxdiisu ku dhamaysatay kaalinta 12aad, uu doonayo inuu koobkani jawaab u noqdo lacagtii badnayd ee kooxda la geliyey, isla markaana ku tusiyo jamaahiirta in waqti fiican usoo socdo.
Afhayeen u hadlay EFL oo maamula tartanka Carabao Cup, ayaa waxa uu shaaciyey, waqtiga la ciyaari doono finalka iyo sida ay uga wada-shaqayn doonaan ciidamada booliska ee Metropolitan Police UK, si loo sugo amniga.
Ciyaarta ayaa la dheeli doonaa maalinta Axadda ah ee February 25, marka ay saacadda UK tahay 3pm oo Geeska Afrika noqonaysa 6pm, iyadoo laga beddelay waqtigii hore oo ahaa 4.30pm waqtiga UK, ama 6.30pm waqtiga Geeska Afrika.
Afhayeenka oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Annaga oo raacayna soo-jeedinta Booliks aMetropolitan Police UK, kooxaha lataliyeyaasha gudaha, waxa ciyaarta finalka Carabao Cup 2024 ay bilaabmi doontaa 3pm.
“Hore waxa aanu ugu qorshaynay in ciyaartu caadiyan ka bilaabanto garoonka Wembsley 6.30pm oo uu tabiyo telefishanka Sky Sports, laakiin waxa aanu hadda ka xunnahay in aanu waqti dambe beddelnay waqtiga ciyaarta.”
Finalkii Carabao Cup ee xilli-ciyaareedkii hore ee kooxaha Manchester United iyo Manchester City oo markii hore loogu talogalay in ay bilaabanto 5.30pm ayaa waxa loosoo qaddimay 3pm.