Faahfaahin cusub ayaa kasoo korodhay heshiiska ay kooxda kubadda cagta Real Madrid la gaadhay weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo la filayo in xagaaga uu kasoo dego Santiago Bernabeu isaga oo si xor ah ay ku helayso Real Madrid.
25 jirkan oo toddobaadkii hore ku wargeliyey kooxdiisa inuu ka tegayo marka uu dhamaado qandaraaskiisu bisha June, ayaa waxa jiray naadiyo dhawr ah oo uu hunguri ka hayay, sida Manchester City, laakiin waxa uu iskugu biyo shubtay Real Madrid.
Fabrizio Romano ayaa sheegay, in ay hubaal tahay in Kylian Mbappe uu tegayo Real Madrid oo aanay jirin koox kale oo uu wada-xaajood la yeeshay, waxaanu waliba Los Blancos u sameeyey mushahar dhimis weyn.
Xiddigan ku guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2018, ayaa waxa mar horeba la sheegay in Real Madrid ay heshiiskiisa dhamaystirtyay, laakiin Fabrizio Romano ayaa xusay in bishii January ay Real Madrid dalabka u dirtay Mbappe oo ay inta badan isla meel-dhigeen heshiiska.
Warka ayaa intaa ku daray, in wada-xaajoodku ay sii soconayaan iyagoo hadda maraya meel fiican, waxaanay kaliya isla meel-dhigayaan waxyaabo yaryar oo aanay wali heshiis buuxa ka gaadhin dhinacyadu.
Wariyahan Talyaaniga ah ayaa waxa uu xusay, in Mbappe uu qaadan doono mushahar cayiman oo la mid ah sida Jude Bellingham iyo Vinicius Junior, laakiin waxa isagu uu heli doonaa oo dheeraad u noqonaya lacag badan oo kudhowaad 85 milyan oo Euro ah oo ay Real Madrid siinayso marka uu heshiiska saxeexo, iyo xuquuqda sawirkiisa oo uu qayb weyn ku yeelanayo.
Fabrizio Romano waxa uu intaa ku daray, in PSG ay bixitaanka Kylian Mbappe si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto kaliya marka la dhamaystiro heshiiskiisa Real Madrid.
lettsgooooo