Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wakhti u qabatay dhamaystirka saxiixa daafaca Bologna ee Riccardo Calafiori.
Gunners ayaa durba ku dhawaaqday hal heshiis oo cusub xagaagan, iyagoo dhameystiray saxiixa joogtada ah ee goolhayaha reer Spain David Raya.
Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan si adag uga shaqaynaysa sidii ay u heli lahayd saxiixa Calafiori iyaga oo isha ku haya in ay xoojiyaan daafacooda ka hor xilli ciyaareedka 2024-25.
Arsenal ayaa u muuqata mid doonaysa in ay keensato daafac tartan siin kara Arteta dooqa kowaad ee daafaca dhexe ee Gabriel Magalhaes iyo William Saliba.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Arsenal ay horay heshiis shaqsi ah la gaartay Calafiori kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxaha Chelsea iyo Juventus.
Gunners ayaa heshiis wakhti dheer ah la gaartay xiddiga heerka caalami ee dalka Italy kaas oo kooxda ku sii hayn doona ilaa June 2029.
Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay horumar ku filan ka samayn karto wadahadalada si ay heshiiska u dhamaystiraan isbuuca soo socda.
Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa mar horeba qorsheysay wareeg kale oo wadahadal ah oo ay la yeelan doonto Bologna iyagoo doonaya inay si degdeg ah heshiis uga gaadhaan qiimaha suuqa kala iibsiga Ciyaaryahanka.
Warbixinadii hore ayaa soo jeedinayay in Bologna ay dooneyneyso inay daafaca ku iibiso lacag dhan 50 milyan oo Yuuro.
Calafiori ayaa ku sii dhawaanaya inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League, taasoo ka dhigan tallaabo muhiim ah oo mustaqbalkiisa ah.
22 jirkaan, ayaa Bologna kaga soo biiray Basel xagaagii hore, wuxuuna kasoo muuqday 37 kulan oo tartan ah xilli ciyaareedkii 2023-24, oo ay ku jiraan 30 kulan oo uu u saftay olole guulo leh oo Serie A ah.
Calafiori wuxuu ahaa shaqsi caan ka ah kooxda Bologna oo heshay 68 dhibcood si ay u xaqiijiso u soo bixitaanka Champions League iyada oo ku dhameysatay kaalinta shanaad.
Natiijadii wacneyd ee uu soo bandhigay heer kooxeed, Calafiori ayaa lagu daray xulka Italy ee Luciano Spalletti ee Euro 2024.
Kaddib markii uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay kulan is-diyaarin ah oo ay la ciyaareen Turkiga, daafaca dhexe ayaa ka soo muuqday dhammaan seddaxdii kulan ee Italy ay ciyaareen.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu qasbay inuu seego guuldaradii 2-0 ee wareega 8da ee Switzerland ka dib markii lagu ganaaxay hal kulan inuu aruursaday kaararka jaalaha ah.