Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa weyday xiddig kale oo muhiim ah oo kaga dhaawacmay saddexdii daqiiqadood ee ugu horreeyey ee ciyaartii Osasuna ee garoonka Estadi Olimpic Lluis Companys, kaddib markii isaga oo kalidii ah uu awoodi waayey inuu ciyaarta sii wato oo uu dhulka fadhiistay.
Tababare Xavi Hernandez ayaa ku qasbanaaday inuu garoonka ka saaro weeraryahanka reer Spain ee Ferran Torres oo qaab fiican ku jiray, isla amrkaana goolal dhalinayay kulamadii ugu dambeeyey, kaas oo hadda noqonaya ciyaartoygii siddeedaad ee ka dhaawacma Barcelona.
Muruqa dambe ee bowdada lugta midig ayaa uu Ferran Torres is-qabtay ka hor inta aanu dhulka fadhiisanin, waxaana u yimid dhakhaatiirta kooxda oo isku dayay inay daaweyn u sameeyaan hase yeeshee beddel degdeg ah ayay u dalbadeen.
Ferran Torres oo weerarka kula soo bilowday Robert Lewandowski iyo Lamine Yamal ayay Barcelona wabixin kasoo saari doontaa 48ka saacadood ee soo socda kaddib baadhitaanno lagu samayn doono, waxaana isla waqtigaas la shaacin doonaa muddada uu garoomada ka maqnaanayo.
Barcelona ayaa hore u weyday Joao Felix oo kaga dhaawacmay ciyaartii Villarreal, taas oo sidoo kalena uu dhaawac uu xilli-ciyaareedka oo dhan uu ku maqnaanayo kasoo gaadhay difaaca bidix ee Alejandro Balde.
Ciyaartoyda hadda ka dhaawacan Barcelona ee uu liiskooda ku biirayo Ferran Torres ayaa ah Marc-Andre Ter Stegen, Gavi, Alejandro Balde, Inigo Martinez, Marcos Alonso, Joao Felix, Raphinha iyo Sergi Robert