Isbuucaan Bayern Munich, Barcelona, Real Madrid, Man City, Arsenal, LIverpool iyo Juventus ayaa dhamaantood dhibco lumiyay, waxaana ay ku turunturooday kulamadoodii isbuucaan.
Arsenal ayaa barbaro gool la’aan ah la dhaafi weyday Everton halka Liverpool ay u suurtagashay in ay kasoo laabtaan xili danbe Fulham.
Manchester City ayaa seddex daqiiqo u jirsatay inay kusoo laabato tartanka horyaalka ka hor inta uusan Amad Diallo ku dhiirigelin Manchester United inay 2-1 ku badiso kulankiii derby.
Chelsea, oo rabta in ay ka fogaato hadal kasta oo ku saabsan tartanka horyaalka, ayaa ah kooxda kaliya ee kooxaha ugu sareeya Premier Legaue guleysatay isbuucaan.
Shabakadda Opta ayaa saadaasha kooxada ku guuleysan karta Premier League wax ka bedeshay isbuucaan kadib kulamadii la ciyaaray.
Saadaashii ugu danbeysay Liverpool ayaa si weyn u hogaamineysa kooxaha ku guuleysan kara Premier League, Chelsea ayaana haatan soo dhaaftay dhanka saadaashada Manchester City.
Blues waxay uruursatay 5.5% fursada ay ku hanan karto horyaalka. “Xitaa ma garanayo tartanka horyaalka waxa uu yahay iyo halka lakala marayo,” Nicolas Jackson ayaa ku kaftamay ka dib markii uu dhaliyay goolkii muhiimka ee kooxdiisa ku badisay axadii.
Saadaasha cusub ayaa loo sameeyay qaabkaan hoose
1. Liverpool 82.0%
2.Arsenal 10.6%
3.Chelsea 5.5%
4.Man City 1.9%