Ka dib markii uu daawaday Gabriel Jesus oo dhaliyay seddexley kulankii Carabao Cup ee uu wajahay Crystal Palace bartamihii isbuucii hore, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in weeraryahanka uu dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
Nasiib darro Palace, ma aysan arag markale qiyaanada weeraryahanka Brazil kaasoo ka dhaliyay laba gool kulankii xalay.
Selhurst Park Sabtidii, Jesus ayaa soo qaaday dulaan lamid ah kii Emirates Stadium ee Arbacadii, isagoo dhaliyay labo gool qeybtii hore.
Goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League xilli ciyaareedkan ayuu sidookale dhaliyay Jesusi kulankii Arsenal 5-1 kaga badiyay kooxda Oliver Glasner.
Waxa uu daah furay goolasha lix daqiiqo kaliya markii ay soctay ciyaarta, isagoo kubad daba mariyay goolhaye Dean Henderson ka dib markii uu Bukayo Saka kubad uu soo karoosay ka faa,iideystay.
Ismaila Sarr ayaa goolka barbaraha udhaliyay Palace, laakiin Jesus ayaa soo celiyay fursada Gunners kadib markii uu kubad si fiican u dhex dhigay shabaqa Crystal Place.
Weeraryahankii hore ee England Alan Shearer oo ka hadlayay barnaamijka BBC Match of the Day ayaa yiri: “Waxa uu ku jiray waqti aad u adag Jesus, Mikel Arteta waxa uu mudan yahay amaan badan, waxa uu dhaliyay gool oo muhiim ah isbuucii hore, waxaadna arki kartaa aaminaada uu ka helay tababaraha.
Arsenal hadda uma baahna weeraryahan dheeri ah oo ay ka keento suuqa January, waxaana ku filan in kalsooni uu siiyo tababare Arteta ciyaaryahankiisa Jesus” sida uu shaaca ka qaaday Alan Shearer.