Jorge Mendes Oo War Cusub Ka Soo Saaray Xaaladda Qandaraaska Lamine Yamal Ee Barcelona Kaddib Kulan Xasaasi Ah Oo Uu La Qaatay Joan Laporta & Deco.
Wakiilka Yamal, Jorge Mendes ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda qandaraaska Lamine Yamal kaddib kulan uu la yeeshay madaxda Barcelona ee Joan Laporta iyo Deco.
Qandaraaska haatan ee Yamal ayaa dhacaya sanadka 2026, balse Mendes ayaa qaboojiyay cabsi ay qabeen taageerayaasha Barca isagoo shaaca ka qaaday in wax walba si habsami leh u socdaan oo heshiis kordhin la gaari karo dhawaan. Warbixin dhawaan ka soo baxday Mundo Deportivo ayaa sheegtay in qandaraaska cusub ee da’yarkan hibada leh uu socon doono ilaa 2030.
Yamal oo 17 jir ah ayaa horumar weyn ka sameeyay kooxda 12-kii bilood ee la soo dhaafay, isagoo dhaliyay 11 gool isla markaana caawiye ka noqday 16 gool 35 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan. In lagu sii hayo heshiis cusub oo muddo dheer ah ayaa ah mudnaanta koowaad ee Barcelona, kuwaas oo ka baqaya inay waayaan xiddigan ka soo baxay La Masia iyadoo aan wax lacag ah laga helin.
Kaddib markii uu la kulmay madaxweyne Laporta iyo agaasimaha ciyaaraha Deco, wakiilka Yamal ee Mendes ayaa u sheegay COPE: “Waxaan la hadalnay Lamine wax walbana waa hagaagsan yihiin. Wuxuu saxiixi doonaa qandaraas cusub, wuxuu saxiixi doonaa qandaraas soconaya wakhti dheer.”