Sida ay wararku sheegayaan Wadahadallada u dhexeeya PSG iyo Napoli ee ku aadana saxìixa Victor Osimhen, ayaa u muuqda mid gaabsaday oo aan hore u socon.
PSG ayaa xagaagan oo dhan ku raad joogtay saxiix cusub, waxayna kooxdu isha ku haysay labada xidig ee Napoli ee Osimhen iyo Khvicha Kvaratskhelia.
Iyadoo PSG ay ka quusteen rajadooda saxiixa xiddiga Georgia, haddana waxay weli ku sii jiraan raadkii gooldhaliyaha Nigeria, inkasta oo wadahadaladu ay qaboobeen.
Kooxda ka dhisan Ligue 1 ayaa ogolaatay inay iska iibiso Gancalo Ramos ama Randal Kolo-Muani ka hor inta aysan u dhaqaaqin saxiixa xiddiga Napoli.
Si kastaba ha ahaatee, midkoodna diyaar uma aha inuu aqbalo ka tagista garoonka Parc des Princes, sidaas darteed wada-hadalladii Osimhen ayaa hakad galay.
PSG ayaa sidoo kale diiday inay Kang-in Lee ay ku darto heshiiska.