Barcelona waxaa la siiyay fursad dahabi ah oo ay ku adkeysan karaan hoggaanka horyaalka La Liga kadib markii Real Madrid si lama filaan ah guuldarro kala kulantay Valencia.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Hansi Flick ma aysan uga faa’iideysan fursaddaas si buuxda, kaliya waxay la timid barbaro 1-1 ah oo ay la galeen Real Betis. Si kastaba, kooxda reer Catalonia waxay si yar u kordhisay hoggaankooda, iyadoo hadda heysata farqi dhibco ah oo yar balse muhiim ah.
Kadib kulamadii wareegga 30aad, Barcelona waxay leedahay 67 dhibcood—afar dhibcood ayay ku hogaaminayaan Real Madrid oo weli heysata 63 dhibcood kadib guuldarradoodii ugu dambeysay.
Iyadoo kaliya siddeed kulan ay ka harsan yihiin dhammaadka xilli ciyaareedka, tartanku wuxuu galay marxaladdii ugu dambeysay, xilliga ugu go’aaminta cad, halkaasoo dhibic kasta oo la helo ama la waayo ay leedahay miisaan weyn.
Kulanka la wada sugayo
Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in kulanka El Clasico ee wareegga 35aad uu u muuqdo mid noqon kara go’aamiyaha horyaalka—ama xitaa maalinta ay Barcelona si rasmi ah ugu dabaaldegto hanashada La Liga.
Xisaabtu waa mid sahlan: marka ay Barcelona iyo Madrid kulmayaan, waxaa kaliya haray 12 dhibcood oo loo tartami karo.
Taas macnaheedu waa in Barcelona u baahan tahay inay 13 dhibcood ku hogaamiso Real Madrid kahor El Clasico si ay ugu dabaaldegto horyaalka toddobaadkaas, natiijada kulankaasna aysan saameyn ku yeelan.
Hadda, xaaladdaasi gacanta uguma jirto Barcelona, balse waa mid aan laga rajo dhigin. Haddii Barcelona guuleysato afarta kulan ee ay ciyaarayaan ka hor El Clasico, waxay gaari doonaan 79 dhibcood.
Si riyadoodaas u rumoowdo, Madrid waa inay lumisaa ugu yaraan afar dhibcood oo dheeraad ah, taasoo ka dhigan inay ku ku nagaadaan 66 dhibcood ama ka yar marka uu dhammaanayo kulanka 34aad. Haddii taas la gaaro, tartanka horyaalka ayaa si rasmi ah u dhammaanaya ka hor inta aysan cagta dhigin garoonka Bernabeu.
Hawlgalka hortyaal Barcelona waa mid cad: inay badiyaan dhammaan afarta kulan ee soo socda kahor El Clasico, si ay cadaadiska ugu sii hayaan. Marka laga eego jadwalka, waa hawl la fulin karo.
Dhinaca Madrid, khaladaad kale oo dheeraad ah waxay ka dhigan yihiin in rajadooda horyaalka ay meesha ka baxayso. Iyadoo cadaadiska sii kordhayo, islamarkaana qaab ciyaareedkoodu uu shaki geli karo, wuxuuna dareenka guusha si cad ugu leexanayaa dhanka Catalonia.