Tababaraha Barcelona Flick oo qirtay arrin layaab leh kaddib guushii Mallorca: ‘Waxaan u baahannahay Lamine Yamal’
Tababaraha kooxda FC Barcelona, Hansi Flick, ayaa qirtay in kooxdiisu si weyn ugu baahan tahay xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, kaddib markii uu door muhiim ah ka qaatay guushii muhiimka ahayd ee 5-1 ee ay ka gaareen Mallorca, habeenkii Talaadada.
Lamine, oo dhawaan ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah, ayaa soo laabtay, iyadoo Barcelona ay guuldarro la kulantay saddex ka mid ah afartii kulan ee uu ka maqnaa safka hore xilli ciyaareedkan 2024/2025 ee La Liga.
“Waxaan u baahannahay tayadiisa”
“Waa ciyaaryahan aad muhiim noogu ah, wuxuuna u abuuri karaa fursado badan kooxda, tayadiisa waan garanaynaa, waana u baahannahay,” ayuu Flick yiri.
“Kooxda oo dhan ayaa dadaashay”
Si kastaba, Flick ma uusan ku koobnaan ammaanida Yamal oo keliya, isagoo tilmaamay dadaalka guud ee ciyaartoyda kale ee kooxda.
“Laakiin ma aha oo kaliya inuu isagu si fiican u ciyaaray. Waxaan mar walba ka hadlaa difaacyada dhexe, sababtoo ah uma fududa habka aan u ciyaarno. Pedri oo khadka dhexe ah, Rapha [Raphinha], sidoo kale aad ayaan ugu faraxsanahay Ferran [Torres], oo dhaliyay gool. Gavi aad ayuu maanta u fiicnaa markuu soo galay, Eric [Garcia] wuu soo laabtay, waana helnay doorashooyin badan oo beddel ah,” ayuu tababaraha Jarmalka ah ku daray.