Difaaca kooxda kubadda cagta Manchester City ee Kyle Walker ayaa ka hadlay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii saaxiibtinimo ee xulka qarankiisa England ay guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Brazil 1-0 kaga adkaatay.
Kyle Walker ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa, kaddibna waxa uu fadhiistay dhulka ka hor intii aan ciyaarta laga saarin.
Kabtanka Manchester City ayaa qaybta horeba awoodi waayey inuu ciyaarta sii wato, waxaana booskiisa la keenay Ezri Konsa, waxaana Gareth Southgate oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in ay sugayaan inta ay soo baxayso natiijada sawirrada iyo baadhitaannada lagu samaynayo, inkasta oo uu ku dooday inuu yahay ciyaartoy aanay dhaawacyadiisu badnayn oo si dakhso ah usoo kaban karaya.
Si kastaba ha ahaatee, Kyle Walker ayaa goordhoweyd qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram, waxa uu kaga hadlay xaaladdiisa, waxaanu yidhi: “Niyad-jab ahaydy igu ahayd in aan dhaawac kaga baxay ciyaartii xalay, waliba aniga oo kabtan u ahaa xulkayga. Run ahaantii sharaf weyn ayay ii ahayd in aan kabtan uahaado.”
Qoraalka Kyle Walker ayaa intaa ku daray: “Ma jiraan wax khatar aad ah, si degdeg ahna waan usoo noqon doonaa.”