Barcelona ayaa si dhow ula socotay suuqa xiddigaha bilaashka ah sanadihii u dambeeyay, iyagoo uga gol lahaa inay xoojiyaan kooxdooda xilli ay wajahayeen dhibaatooyin dhaqaale.
Nidaamkan ayaa inta badan u shaqeeyay kooxda Blaugrana, iyadoo ciyaartoyda sida Andreas Christensen, Eric Garcia, Ilkay Gundogan, iyo Franck Kessie ay saameyn ku yeesheen kooxda, inkastoo labadii xiddig ee ugu dambeeyay ay kaliya hal xilli ciyaareed joogeen.
Mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ay Barcelona doonayeen inay si bilaash ah ku helaan ayaa ahaa Piotr Zielinski, kaasoo haatan xaqiijiyay in kooxda Catalans ay la soo xiriirtay xagaagii.
Zielinski ayaa heshiiskii Napoli uu kula jiray dhammaaday, waxaana doonayay kooxo waaweyn.waxey qorsheynayeen inay ku helaan heshiiska xorta ah.waxaa kamid ah kooxahaas Barcelona, hase yeeshee wuxuu ugu dambeyn doortay inuu ku biiro Inter Milan.
“Kooxo sida Liverpool, Arsenal, iyo Atletico Madrid ayaa xiiseynayay saxiixeyga, waxaana sidoo kale helay codsiyo gaar ah oo iiga yimid Barcelona,” ayuu yiri isagoo la hadlayay Kanal Sportowy, sida ay qortay Mundo Deportivo.
“Si kastaba ha ahaatee, waxaan jeclahay Talyaaniga. Markii aan imid Napoli waxaan isla markiiba dareemay raaxo badan, waana sababtan darteed inay igu adkayd inaan u wareego England,” ayuu sii raaciyay.