Tababaraha Crystal Palace ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u diiday raalligelinta Dean Henderson kadib gool uu si kas ah ugu sii daayay kooxdiisii hore Nottingham Forest.
Nottingham Forest ayaa haatan ku jirta kaalinta 8-aad ee jadwalka kala sarreynta horyaalka Premier League kadib markii ay guushii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka ku gaareen garoonkooda iyagoo kaashanaya saaxiibkoodii hore, goolhaye Henderson.
Oliver Glasner ayaa sheegay in Dean Henderson raalligelin ka bixiyay khaladkii uu sameeyay taasoo u suurtagelisay Chris Wood inuu dhaliyo goolka kaliya ee guusha u horseeday Nottingham Forest kulankii ay ka hor yimaadeen Crystal Palace.
Wood ayaa dhaliyay goolkiisii 5-aad ee xilli ciyaareedkan Premier League, taasoo sababtay in Forest ay gasho kaalinta 8-aad, laakiin goolkan ayaa yimid kaddib markii Henderson uu si lama filaan ah u daayay kubadda, taasoo hoos martay gacantiisa.
Henderson ayaa kusoo laabtay garoonka City Ground isniintii halkaas oo uu amaah fiican ku qaatay xilli ciyaareedkii 2022/23, inkastoo uu dhaawac ku maqnaa qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkaas.Dean Henderson ayaa qirtay khaladkiisa ciyaarta kadib — sida uu sheegay Glasner.
Si kastaba, tababaraha Eagles, Glasner, ayaa sheegay inuusan doonaynin in Henderson uu raalligelin bixiyo, isagoo yiri: “Wuxuu isku dayay inuu i raalligeliyo, laakiin ma oggolaanin.
“Looma raacdeynayo qofna, waxa uu sameeyay badbaadooyin waaweyn oo badan xilli ciyaareedkan iyo kii hore – waxyaabahaas way dhacaan, waa isboortis, dhammaanteen waxaan nahay bani’aadam.”