Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold ayaa ku wada nool Liverpool muddo dheer, balse labadoodaba waxaa laga yaabaa inay kooxda ka tagaan xagaagan marka qandaraasyadooda dhammaadaan.
Salah ayaa dareenkiisa dhabta ah ee ku saabsan saaxiibkiisa kooxda Liverpool, Trent Alexander-Arnold, ku muujiyay saddex erey oo fudud: “Waan jeclahay isaga.”
Labadan ciyaaryahan ayaa kooxda Liverpool u wada ciyaarayay muddo toddobo sano iyo bar ah. Alexander-Arnold ayaa ku soo biiray kooxda koowaad sannadkii 2017-kii, halka Salah uu isla sannadkaas ku soo biiray Anfield. Tan iyo markaas, iskaashigooda garabka midig ayaa burburiyay difaacyada kooxo badan oo caalami ah, iyagoo ku guuleystay dhammaan koobabka kooxeed ee la heli karo.
Inkasta oo ay hoggaaminayaan horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, mustaqbalkooda Anfield xagaagan ayaa weli ah mid aan la hubin, maadaama qandaraasyadooda ay dhammaanayaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Haddii midkood ama labadoodaba ay baxaan, waxey arrintaasi dhabar-jab weyn ku noqon doontaa taageerayaasha iyo rajada kooxda xilli ciyaareedka soo socda. Si kastaba, xidhiidhkooda adag ayaa u badan inuu sii waaro, iyadoo Salah uu Alexander-Arnold ku tilmaamay mid ka mid ah saaxiibbadiisa ugu dhow.
Markii la weydiiyay wareysi uu siiyay TNT Sports cidda uu u arko saaxiibkiisa ugu wanaagsan kubadda cagta, 32-jirka reer Masar ayaa ku jawaabay:
“Waxaan leeyahay saaxiibo badan. Markaan arko Eden Hazard, si weyn ayaan u wada qosolnaa. Waxaan sidoo kale ii dhow Kostas [Tsimikas], waxaan ii dhow Dominik [Szoboszlai].
“Virgil [van Dijk] sidoo kale, maadaama aan saaxiibbo ku ahayn kooxda muddo siddeed sano ah. Markaan wada fariisanno oo aan doodno, had iyo jeer waxaan u wada sheekeysannaa si cajiib ah. Aad ayaan isku ixtiraamnaa.”