Tababaraha Villarreal, Marcelino García Toral, ayaa qiray in Kylian Mbappé uu ahaa mid halis ah kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Real Madrid. Kulankan oo ka dhacay garoonka La Cerámica, Villarreal ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 7-aad markii Juan Foyth uu shabaqa gaaray, balse Mbappé ayaa si degdeg ah uga jawaabay.
Mbappé ayaa dhaliyay labo gool oo is xiga, midkii ugu horreeyay wuxuu yimid daqiiqadii 17-aad kadib markii uu ka faa’iideystay kubbad soo noqotay oo uu Brahim Diaz ku garaacay goolhayaha, halka goolkii labaad uu yimid lix daqiiqo kadib markii uu ka faa’iideystay baas ka yimid Lucas Vázquez. Labadan gool ayaa xaqiijiyay guusha Real Madrid, iyadoo Mbappé uu muujiyay awoodiisa weerar ee halista ah.
Marcelino ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku billaabatay si wanaagsan labada qeybood ee ciyaarta, balse daciifnimo dhanka difaaca ah ayaa keentay in Real Madrid ay ka faa’iideysato fursadahaas. Wuxuu sidoo kale xusay in Mbappé uu yahay weeraryahan caqli badan oo garanaya sida loo istaago meelaha saxda ah ee lagu dhaliyo goolasha.
Tababaraha Villarreal wuxuu qiray in kooxdiisu ay u weerartan tay si wanaagsan, balse ay ku dhibtootay difaaca, taasoo keentay in Real Madrid ay hesho fursado badan. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in goolhayaha Real Madrid, Thibaut Courtois, uu sameeyay badbaadino muhiim ah oo ka hortagay fursado badan oo Villarreal ay abuurtay.
Guushan ayaa siisay Real Madrid fursad ay ku qabato hogaanka horyaalka La Liga, iyadoo haatan leh 60 dhibcood, saddex dhibcood oo nadiif ah ka horreysa kooxda kaalinta labaad ee Barcelona, oo leh kulan baaqi ah. Marcelino ayaa qiray in kooxdiisu ay sameysay dadaal wanaagsan, balse ay u baahan yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay u xoojin lahaayeen difaacooda kulamada soo socda.