Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in xiddiga Arsenal, Raheem Sterling, uusan u ciyaarayn sidii caadiga ahayd.
Halyeeyga reer England ayaa fikradiisa ka dhiibtay sababta ay u muuqato in Sterling uusan wali si wanaagsan ugu dhex muuqanin Arsenal, sida la filayay markii uu kooxda yimid.
Mikel Arteta ayaa Raheem Sterling keenay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga 2024, isagoo doonayay inuu khibraddiisa Premier League ugu adeegsado dadaalka ay Gunners ugu jirto hanashada horyaalka.
Si kastaba ha ahaatee, xiddigii hore ee Southampton, Liverpool, iyo Manchester City, ayaa ilaa hadda u muuqda mid ka hooseeya heerkiisa caadiga ah tan iyo markii uu yimid garoonka Emirates.
Kahor inta uusan ugu biirin Arsenal si amaah ah, Sterling waxaa laga saaray safka koowaad ee Chelsea, kaddib markii tababaraha cusub ee kooxda, Enzo Maresca, uu sheegay inuusan ka mid ahayn qorshihiisa.
Sterling wuxuu guulo waaweyn ka gaaray waayihiisii Manchester City, isagoo la qaaday afar horyaal Premier League ah isaga oo hoos joogay Pep Guardiola.
Ferdinand wuxuu rumeysan yahay in Sterling uu hadda kalsooni la’aan kala kulmayo Arsenal.
Isagoo ka hadlaya bartiisa YouTube, wuxuu yiri:
“Laakiin waxa aan dhihi lahaa waa inuusan u ciyaarayn sidii Sterling.
“Marka uu garoonka joogo, waan fahmi karaa sababta, maxaa yeelay kalsooni yar ayuu la’yahay.
“Wuxuu u ciyaarayaa si xasilloon oo aan firfircooneyn. Sterling-ka aan naqaanay oo aan jeceleyn, marka uu kubadda helo, si toos ah ayuu weerarka ugu socdaa oo wuxuu caadiyan si xowli leh Ku gaaraa goolka.”
Inkastoo Arsenal ay dhibaato dhanka dhaawacyada ah qabto, Mikel Arteta wali ma aaminin Sterling, maadaama uusan si fiican uga soo muuqan safka koowaad.
Xiddiga reer England wuxuu xilli ciyaareedkan ciyaaray 22 kulan, balse wuxuu dhaliyay hal gool kaliya, isagoo kaliya 307 daqiiqo u saftay horyaalka Premier League.