Milkiilayaasha Chelsea ayaa waxaa canaantay taageerayaashooda waxayna uga digeen inay wajahayaan xaalad sumeysan oo aan laga noqon karin ilaa iyo isbedel weyn la sameeyo mooyee.
Guddoomiyaha Todd Boehly iyo ninka ay kooxda wada leeyihiin ee Behdad Eghbali ayaa lagu eedeeyay inay kooxda ka dhigeen wax lagu qoslo garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba sbabao la xiriira hab maamulkooda.
Ururka taageerayaasha Chelsea ee Chelsea Supporters’ Trust ayaa u qoray labada nin carrada iyo xanaaga ay qabaan taageerayaasha kuwaasoo ka careysan hab maamulka kooxda Stamford Bridge.
Waxay tani sii xumeyneysaa xiriirka markii horeba xumaa ee u dhaxeeyay kooxda iyo taageerayaasha oo haatan isku bedelay dagaal sokeeye.
Waxaa warqada taageerayaasha lagu sheegay inay dareemayaan inay ka go’an yihiin kooxda inteeda kale oo aysan warba u heynin howsha kooxda tababaraha iyo milkiilayaasha.
Waxay hoosta ka xariiqeen in heesaha ka dhanka ah Boehly ee ay taageerayaasha soo bandhigeen Brentford inay tilmaameyso wada shaqeyn la’aanta ka dhaxeysa kooxda iyo taageerayaasha, waxayna xuseen inay sii kordheyso kalsooni darrada taageerayaasha.
Raheem Sterling iyo tababare Mauricio Pochettino ayay taageerayaasha Chelsea sidoo kale bartilmaameedsadeen kulankii ay 4-2 kaga badiyeen Leicester City ee FA Cup.
Chelsea waxay ku jirtaa kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League waqti xaadirkaan. Waxay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysteen kaalinta 12aad iyagoo helay kaliya 44 dhibcood oo aheyd dhibcahoodii ugu yaraa abid ee Premier League.