Cristiano Giuntoli, Agaasimaha Isboortiga ee Juventus, ayaa la sheegay inuu si kulul ula hadlay tababarihii la ceyriyay, Thiago Motta, kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo kooxda soo gaadhay. Sida laga soo xigtay warbixino ka soo baxay warbaahinta Talyaaniga, Giuntoli ayaa ku yiri Motta: “Waan ka xumahay inaan adiga ku doortay oo aan shaqadan kuugu yeeray.”
Xidhiidhka u dhexeeya Giuntoli iyo Motta ayaa sii xumaaday kadib markii Juventus ay la kulantay guuldarrooyin culus oo ka dhan ah Atalanta iyo Fiorentina, taasoo keentay in kooxda laga saaro tartamada qaar isla markaana ay hoos ugu dhacdo kaalmaha horyaalka Serie A. Giuntoli ayaa hore u muujiyay kalsoonida uu ku qabo Motta, isagoo sheegay in booskiisu uusan khatar ku jirin inkastoo ay jireen natiijooyin liita.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa cirka isku shareertay kadib guuldarradii ugu dambeysay, taasoo keentay in maamulka Juventus ay go’aansadaan inay qaadaan tallaabo degdeg ah. Waxaa la soo wariyay in kulan casho ah oo dhexmaray Giuntoli, Motta, iyo agaasimaha guud ee kooxda, Maurizio Scanavino, uu noqday mid xasaasi ah, iyadoo Giuntoli uu si cad u muujiyay niyad-jabka uu ka qabo qaab ciyaareedka kooxda iyo hogaaminta Motta.
Natiijada kulankaas kadib, Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay inay shaqada ka eriday Thiago Motta, iyadoo bedelkiisa ay u magacowday Igor Tudor, oo hore uga mid ahaa ciyaartoyda kooxda. Tudor ayaa la filayaa inuu qabto xilka tababarenimo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo higsanaya inuu kooxda ku hogaamiyo boosaska sare ee horyaalka si ay u xaqiijiyaan ka qeyb galka Champions League xilli ciyaareedka dambe.
Isbedelkan ayaa yimid xilli taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha kubadda cagta ay si weyn u dhaliilayeen qaab ciyaareedka Juventus, iyagoo ku baaqayay in la sameeyo isbedelo lagu xoojinayo kooxda. Magacaabista Tudor ayaa loo arkaa fursad ay Juventus ku soo celin karto sumcadda iyo guulihii ay caanka ku ahayd, iyadoo la rajeynayo in isbedelkan uu keeno horumar muuqda oo dhanka natiijooyinka ah.
Si kastaba ha ahaatee, shaqada hortaalla Tudor ma aha mid fudud, maadaama uu la wareegayo koox ku jirta xaalad adag oo u baahan dib u habeyn iyo dhiirigelin si ay ugu soo laabtaan wadada guusha. Taageerayaasha Juventus ayaa si taxadar leh u eegaya isbedelkan, iyagoo rajeynaya in Tudor uu keeno isbedel dhab ah oo kooxda ku hogaamin kara guulo waaweyn mustaqbalka dhow.