AS Roma waxa ay maanka ku haysaa hadaf weyn oo ah in ay Carlo Ancelotti ku qanciso in uu majaraha u qabto kooxda hadii uu tababaraha reer Italy soo afjaro waayihiisa Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Talaabadan ayaa inta badan ku xiran hadii Real Madrid ay doorato isbedel ay ku sameyso shaqaalaheeda tababarka, iyadoo Xabi Alonso uu yahay musharaxa ugu weyn ee bedeli kara macalink reer Italy.
Inkastoo qandaraas ilaa 2026 kula jiro Real Madrid, wararka xanta ah ee sheegaya inuu Ancelotti ka tagi karo kooxda ma aysan joogsan tan iyo markii Alonso uu guulo la sameeyay Bayer Leverkusen.
Alonso magaciisu wuxuu helay awood uu ugu fariisan karo kursiga tababarka Santiago Bernabéu.
Kooxda caasimada ka dhisan waxay diyaar u tahay inay dalab dhab ah u gudbiso tababaraha qabiirka ah ee reer Talyaani si uu ugu laabto dalkiisa isagoo hogaaminaya mashruuca cusub ee Roma.
La Gazzetta dello Sport ayaa tilmaamaysa in Ancelotti uu ka mid yahay labada magac ee liiska Roma kujira waqtigaan.
Musharaxa kale ayaa noqon doona Massimiliano Allegri, oo waqti qurux badan la qaatay kooxda Juventus.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Roomaanku waxay mudnaanta koowaad siinayaan sidii ay ku heli lahaayeen tababaraha hadda hogaamiya Real Madrid ee Carlo Ancelotti.