Palmer Labadii kulan ee uu la yeeshay Liverpool isagoo ah ciyaaryahan Chelsea ayaa ku dhammaaday niyad-jab.
Palmer ayaa walaac ka muujiyay kulanka axadda ay Anfield ku wajihi doonaan kooxda hoggaanka horyaalka heysa Liverpool kadib guuldarro xanuun badan oo ay Blues kala soo hoyatay Anfield xilli ciyaareedkii hore.
“Waxaan kaliya xasuustaa taageerayaasha Anfield ciyaartii ugu dambeysay ee aan halkaas ku ciyaarnay,” Cole ayaa xusay hadalkan kadib Abaalmarinta xiddiga Bisha.
“Waxay ahayd koox weyn markaas, hadda na waxay leeyihiin hammi aad u sarreeya, sidaas darteed ciyaar halis ah ayay noqon doontaa haddii aanan si fiican isu diyaarin. ”
“Aniga oo ah wiil ree Manchester, waxaad ka war heysaan xiriirka ka dhexeeya labada magaalo ( Liverpool iyo Manchester) . Waa xifaaltan soo jireen ah.
“Dhammaan dadka waxay ogyihiin jawiga Anfield, shucuurta taageerayaashooda iyo sida ay tahay kooxda, laakiin waxaan kasoo qaadi doonnaa ciyaar caadi ah.”
22 jirkan ayaa loo arkaa inuu yahay mid kamjd ah laf dhabarta Blues xilli ciyaareedkan.
Wuxuu leeyahay shan gool iyo shan caawimo xilli ciyaareedkan, marka la eego guulihii xilli ciyaareedkii hore. xiddigga Blues wuxuu si cad u muujiyay halis ka dhan ah daafacyada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.