Tababarihii hore ee Real Madrid, Rafa Benitez, ayaa shaaca ka qaaday sababta uusan u siinin Martin Odegaard waqti badan oo uu ku ciyaaro Santiago Bernabeu.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Norway ayaa ku guuldareystay inuu horumar ka sameeyo kooxda ka dhisan LaLiga markii macalinka Isbaanishka uu maamulayay Los Blancos todobo bilood intii u dhaxeysay 2015 iyo 2016.
Los Blancos ayaa Odegaard kala soo wareegtay lacag dhan 4 milyan oo Euro sanadkii 2015 kooxda ka dhisan Norway ee Stromsgodset, isagoo 16 jir ah, waxaana uu tababar la qaatay kooxda koowaad iyo dhalinyarada Castilla.
Xirfadda da’da yarka reer Norway marnaba kama dhaadhicin Benitez inkastoo waqtigii Carlo Ancelotti, si weyn loo qadariyay.
Isagoo la hadlayay VG, Benitez ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka khadka dhexe uu soo galay koox aad u wanaagsan oo Madrid ah isagoo aad u da ‘yar. taasoo keentay inuu boos ka waayo.
“Hadda aad uyuu u qaangaaray waan ka helaa sida uu u ciyaaro, waxa uu leeyahay shakhsiyad iyo hogaamin dhab ah.
Real Madrid markii u yimid aad ayuu u yaraa, wuxuu soo galay koox magacyo waaweyn heysata, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay inuu qaaday tilaabo sax ah,” Benitez ayaa yiri.
Arsenal ayaa Ogegaard amaah kaga qaadatay Real Madrid ka hor inta aysan si rasmi ah ula wareegin, waana kabtanka hogaamiya haatan kooxda ka dhisan waqooyiga London.