Liverpool ayaa laga diiday rigoore labaad oo ay heshay kadib markii VAR ay ogaatay in goolhaye Sanchez uusan ku lug laheyn wax xadgudub oo kadhan ah Jones kadib markuu ku dul dhacay.
Garsoore John Brooks ayaa rigoore u dhigay Liverpool qeybtii hore ee ciyaarta kadib markii khalad lagu galay Jones, waxaana gool u badalay rigoorada Mohamed Salah.
Liverpool waxay u maleynayeen inay heshay fursad ay ku labanlaabaan hogaankooda qeybta hore ee ciyaarta ka dib markii la loo dhigay rigoore kale.
Goolhayaha Chelsea, Robert Sanchez, ayaa ka baxay khadka goosha, isagoo ka hortagay Curtis Jones, taasoo keentay in Jones uu ku firdho hawada ka dib markii ay isku dhaceen Sanchez. Si kastaba ha ahaatee, kadib markii garsoore John Brooks loo diray shaashadda, go’aanka rigooraha ayaa la beddelay.
Premier League ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay sababta keentay in la diido rigoorihii labaad ee Liverpool. Akoonka rasmiga ah ee Premier League Match Centre X ayaa la wadaagay taageerayaasha sababta rigooraha loo diiday: “Garsooruhu wuxuu siiyay penalti Liverpool xadgudubka Sanchez ee Jones aawadeed.”
“VAR ayaa u aragtay in Sanchez uu huleelay kubbadda asagoon wax xadgudub ah ku sameyn Jones, waxayna soo jeedisay taas in dib loo eego dhacdada. Garsooruhu wuxuu beddelay go’aankii asalka ahaa, ciyaartuna waxay kusoo laabatay sideedii.”
Dhanka kale, Chelsea waxay sheegtay in ay rigoore u qalmeen kadib herdan dhex maray Trent Alexander-Arnold iyo Jadon Sancho, laakiin VAR ma aysan faragelin dhacdada, sida laga soo xigtay Liverpool Echo.