Enzo Fernandez ayaa waqti adag ku qaadanaya kooxdiisa kubadda cahta ee Chelsea.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentine ayaa Blues kaga soo biiray Benfica ku dhawaad 106.8 milyan ginni laba sano ka hor.
Inkasta oo uu si dhaqso ah isaga dhigay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda waqtigii tababarayaashii hore ee Graham Potter iyo Mauricio Pochettino, haddana 23-sano jirkaan ayaan heysan hadda kalsooni badan.
Inkastoo loo magacaabay kabtanka kooxda, Enzo Maresca, ayaa dhawaan boos kaga waayay safkiis hore ciyaaryahanka reer Argentina.
Xiddiga South America ayaan ku bilaaban labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka iyada oo Maresca uu doortay in uu la ciyaaro khadka dhexe ee Moises Caicedo xiddiga Romeo Lavia.
Inkastoo 23-sano jirkaan dib loogu yeeray ciyaartii EFL Cup ee Chelsea ay u safartay Newcastle United habeenkii Arbacada,kooxdiisa ayaa la kulantay guuldarro 2-0 ah, ku darista shaxda Fernandez ayaa dhalisay su’aalo ka badan.
Iyadoo Chelsea ay isku diyaarineyso inay Old Trafford ku wajahdo Manchester United Axada Premier League, suurta galnimada Fernandez inuu kasoo muuqda kulankaas ayaa ah mid aad u yar.
Kubadsameeyihii hore ee Benfica ayaa ka go’ay gacalisadiisii carruurnimada, Valentina Cervantes waaa sababta hadda hoos u dhaciisa keentay.
Labadan shaqsi oo ku kulmay dalka Argentina isna guursaday ayaa waxa ay isku dhaleen laba caruur ah. Gabadhooda waxay dhalatay March 2020 wiilkooduna wuxuu dhashay Oktoobar 2023.
Kala tagoodu wuxuu sameyn weyn ku yeeshay ciyaaryahanka iyo qaab ciyaareedkisii, sida hadda muuqata wuxuu kujiraa qalbi jab weyn.