Tartanka Kabta Dahabka ah ee gooldhalinta qaaradda Yurub ayaa maraya meel xiiso leh iyadoo xiddigo badan ay ku loollamayaan sidey ugu guuleysan lahaayeen abaalmarintan. Horyaalada ugu waaweyn qaaradda Europe ayaa waxaa ka socda ciyaarayo xiiso leh, xilli ay jiraan ciyaartoy badan oo si xoog leh ugu tartamaya gooldhalinta.
Xiddiga kooxda Barcelona, Robert Lewandowski, ayaa haatan hoggaaminaya tartanka gooldhalinta shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub, isagoo ilaa iyo hadda dhaliyay 12 gool horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Waxaa kaalinta labaad ku jira xiddiga Manchester City, Erling Haaland, oo dhaliyay 10 gool horyaalka Premier League, halka kaalinta saddexaad uu ku jiro Omar Marmoush oo u ciyaara Eintracht Frankfurt, kaas oo leh 9 gool horyaalka Bundesliga.
Halkan hoose ka eeg xiddigaha ugu goolasha badan tartanka Kabta Dahabka ah ee gooldhalinta Yurub:
Ciyaariyahanka | Goolasha | Dhibcaha |
---|---|---|
Robert Lewandowski (Barcelona) | 12 | 24 |
Erling Haaland (Man City) | 10 | 20 |
Omar Marmoush (Eintracht Frankfurt) | 9 | 18 |
Harry Kane (Bayern) | 8 | 16 |
Mateo Retegui (Atalanta) | 8 | 16 |
Marcus Thuram (Inter) | 7 | 14 |
Bradley Barcola (PSG) | 7 | 14 |
Cole Palmer (Chelsea) | 6 | 12 |
Bryan Mbeumo (Brentford) | 6 | 12 |
Kylian Mbappe (Real Madrid) | 6 | 12 |